Sheekh Abuu Muscab "59 Askari Yugaandheys Ah Ayaan Ku Dilnay Weerarkii Buula Mareer 14 Mujaahidna Waa Naga Shahiidday"

Sunday April 01, 2018 - 13:57:26 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 1.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheekh Abuu Muscab "59 Askari Yugaandheys Ah Ayaan Ku Dilnay Weerarkii Buula Mareer 14 Mujaahidna Waa Naga Shahiidday"

    Taliska ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war dheeri ah kasoo saaray weeraro safballaaran oo maanta ka dhacay saldhigyo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay ku leeyihiin degmooyin iyo deegaanno Katirsan Sh/Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidamada Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa war dheeri ah kasoo saaray weeraro safballaaran oo maanta ka dhacay saldhigyo ciidamada shisheeyaha AMISOM ay ku leeyihiin degmooyin iyo deegaanno Katirsan Sh/Hoose.

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Al Shabaab ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in kabadan 59 askari lagu dilay weeraro isugu jiray xoog ku gal iyo istish-haadi.

Afhayeenka ciidanka Ciidamada Mujaahidiinta  wuxuu wuxuu sheegay in 14 dagaalyahan oo inghimaasiyiin ah oo xoog ku galay saldhigga AMISOM ay shahiideen "Sheekh Abuu Muscab "59 Askari Yugaandheys Ah Ayaan Ku Dilnay Weerarkii Buula Mareer 14 Mujaahidna Waa Naga Shahiidday" ayuu yiri Abuu Muscab.


Wuxuu sheegay in ciidamadoodu ay weerareen illaa 6 saldhig oo ay ku sugnaayeen ciidamada shisheeyaha AMISOM gaar ahaan kuwa Yugaandha,
Weerarka koowaad uguna xoogga badnaa wuxuu ka dhacay saldhigga AMISOM ee Buula Mareer kadibna waxaa xigay weerar istish-haadi ah oo lala helay kolonyo gaadiid ah oo kasoo gurmanayay deegaanka Golweyne.

Gaari Walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan Naftiis Hure ah ayaa kolonyada lahelay gaarigiisa waxaana gubtay oo basbeelay dhowr gaadiid oo ay wateen ciidamada Uganda.

Sidoo kale weerar madaafiic ah waxaa lagu qaaday saldhigga ciidamada AMISOM ee Qoryooleey iyo laba saldhig oo kuyaal deegaannada Danoow iyo Maryan Gubaay, weeraradaas ayaa sababay in ciidamada AMISOM ay ugurman waayaan ciidamadooda lagu xasuuqayay degmada Buula Mareer.

Waa Weeraradii ugu xooganaa oo maalin qura ciidamada shisheeye lagula beegsado degmooyinka iyo deegaannada Sh/Hoose tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii sanaddii 2015 ka dhacay degmada Janaale halkaas oo lagu dilay 50 askari Yugaandheys ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items