Sawirro: Diyaarad Drone Ah Oo Dad Shacab Ah Ku Dishay Duleedka Degmada Ceelbuur.

Sunday April 01, 2018 - 21:28:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: Diyaarad Drone Ah Oo Dad Shacab Ah Ku Dishay Duleedka Degmada Ceelbuur.

    Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay duqeysay dad shacab ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Galguduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in diyaarad dagaal ay duqeysay dad shacab ah.


Maanta gelinkii dambe  ayay diyaarad nuuca aan duuliyaha laheyn ah waxay duqeyn ka geysatay deegaanka Dac oo qiyaastii 20 KM ujira magaalada Ceelbuur.

Duqeynta ayaa lagu dilay illaa sedax qof oo dhammaantood ahaa shacab, ilo wareedyo ayaa xaqiijinaya in diyaarad Drone ah ay dhowr Gantaal laheshay gaari ay la socdeen Nabadoonno caan ka ah Bariga gobolka Galguduud.

Dadka duqeynta lagu dilay waxaa kamid ah Nabadoon Cali Hareed iyo Abwaan caan ah oo isna lagu magacaabo Yuusuf Dhegeey.


Sidoo kale  dadka duqeyntu dishay waxaa kamid ah qof haween ah oo xilligaas loo waday goob caafimaad, diyaaaradda dishay dadka shacabka ah ayaa loo maleynayaa in ay leedahay dowladda Mareykanka oo sanadadii lasoo dhaafay xasuuq ka geysanayso Koonfurta iyo Bartamaha dalka Soomaaliya.

Waxaa xusid mudan in goobta duqeyntu ka dhacday aysan ku sugneyn wax katirsan askarta iyo saraakiisha Al Shabaab waana deegaan ay u naq raacdeen dadka xoola dhaqatada ah  Kadib markii Roobabka Guga ay dhowaan ka curteen.


 Allaha unaxariistee Nabadoon Cali Hareed wuxuu kamid ahaa waxgaradka Beesha Murusade wuxuuna kasoo muuqan jiray fagaarayaasha beelaha lagu heshiisiinayo iyo xafladaha lagusoo gaba gabeynayo Madaarista diiniga ah.

Sidoo kale dadkii lagu dilay duqeyntii maanta ka dhacday baadiyaha deegaanka Dac waxaa kamid ahaa Abwaan Yuusuf Dhegeey oo kamid ahaa Abwaannada caanka ah , Yuusuf Dhegeey ayaa dhowr Gabay ka tiriyay  xaaladaha ka jira dalka Soomaaliya

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho


Related Items