5 Diyaaradood oo Dhaawacyo iyo Meydad daabulay iyo Uganda oo ka hadashay weerarradii Sh/Hoose.

Monday April 02, 2018 - 10:17:27 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    5 Diyaaradood oo Dhaawacyo iyo Meydad daabulay iyo Uganda oo ka hadashay weerarradii Sh/Hoose.

    Dadka deegaanka Buulamareer ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in saacidihi la soo dhaafay ay saldhigga AMISOM ee deegaanka ku soo dageen tiro diyaarado ah oo daabulayay meydadka iyo dhaawacyada askartii wax ku noqotay weerarkii shalay lagu qaaday xer

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadka deegaanka Buulamareer ee gobolka Sh/Hoose ayaa sheegaya in saacidihi la soo dhaafay ay saldhigga AMISOM ee deegaanka ku soo dageen tiro diyaarado ah oo daabulayay meydadka iyo dhaawacyada askartii wax ku noqotay weerarkii shalay lagu qaaday xeradooda.

Ilo wareedyo ayaa xaqiijiyay in la arkay ilaa 5 diyaaradood oo si isdaba joog ah ugu soo dagay xerada Milatari, waxaana ay halkaasi ka qaadayeen dhaawacyada Ciidamada hadba sida ay u kala darnaayeen.

Diyaaradaha ayay adeegsadaan ciidamada shisheeyaha mararka ay la kulmaan weerarrada nuucaan ah maadaama aysan u bareeri karin halista xagga safarka dhulka iyo dhaawacyada qaarkood oo xaaladdoodu liidato.

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab ayaa shalay weerar culus ku ekeeyay saldhig weyn oo Ciidamada Uganda ay ku leeyihiin deegaanka Buulamareer halkaas oo lagu dilay in ka badan 59 askari oo Ugaandhees ah, sida uu xaqiijiyay afhayeenka Ciidamada Al-Shabaab Sheekh C/Caziz Abu Muscab.


Sidoo kale Afhayeenka Guud ee Xarakada Al-Shabaab Sheekh Cali Max'uud Raage "Sheekh Cali Dheere" oo ka hadlay weerarradii abaabulnaa ee shalay ka dhacay gobolka Sh/Hoose ayaa xaqiijiyay in qeyb ay ka ahaayeen howlgallo qorsheysan oo Mujaahidintu ay ku doonayaan in guud ahaan dalka looga saaro cadowga soo duulay.

Dhanka kale afhayeen u hadlay Ciidamada Uganda ayaa xaqiijiyay in saldhigga ciidamadooda ee Bulamareer uu la kulmay weerar culus, waxaana uu qirtay in 6 askari looga dilay weerarka, oo sida uu yiri ay iska difaaceen.

Saraakiisha Ciidamada shisheeyaha ayaan inta badan ka run sheegin natiijada dagaallada ay la galaan Xarakada Al-Shabaab balse waxaa xaqiiqada looga fadhiyaa mar waliba Kaamirooyinka Mujaahidiinta.


Related Items