Dowladda Mareykanka Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Duleedka Ceelbuur.

Monday April 02, 2018 - 18:45:49 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Dadkii Shacabka Ahaa Ee Lagu Xasuuqay Duleedka Ceelbuur.

    War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka Ee Qaaradda Afrika ayuu ku sheegtay Mas'uuliyadda weerar dad shacab ah lagu xasuuqay oo shalay ka dhacay gobolka Galguduud Bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War qoraal ah oo kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka Ee Qaaradda Afrika ayuu ku sheegtay Mas'uuliyadda weerar dad shacab ah lagu xasuuqay oo shalay ka dhacay gobolka Galguduud Bartamaha dalka Soomaaliya.



Taliska Mareykanka AFRICOM wuxuu sheegay in 5 dagaalyahan oo Al Shabaab ah ay ku dileen duqeyn xagga cirka ah oo ka dhacday meel ku dhow magaalada Ceelbuur ee gobolka Galguduud!

Dadka lagu dilay duqeynta ayaa ahaa shacab rayid ah waxaana kamid ahaa Nabadoonkii Beesha Murusade,Abwaan Yuusuf Dhegeey iyo Haweenay iyo canageedda.

Dowladda Mareykanka ayaa warka ay soo saartay waxay ku sheegtay in wax shacab ah aysan wax ku noqon duqeynta waana baneysasho ay baneysanayso dhiigga shacabka Soomaaliyeed iyadoo ku mar marsiyoonaysa ladagaallanka waxa loogu yeero Argagaxisada.



Taliska AFRICOM ayaa caan ku ah xasuuqa shacabka Soomaalida sanaddii 2017 wuxuu sheegtay Mas'uuliyadda 11 qof oo lagu dilay weerar ka dhacay deegaanka Bariire ee Sh/Hoose.

Diyaaradaha Mareykanka ayaa sanaddii lasoo dhaafay xasuuq ba'an ka geystay Koonfurta dalka Soomaaliya, waxaana ugu caansan xasuuqii deegaanka Bariire, Daarusalaam iyo Tuulada Axmed Yare.

Hoos Ka Daawo Qaar Kamid Ah Sawirrada Dadkii Mareykanku ku xasuuqay Soomaaliya





























Related Items