Jawaari Oo Diiday in Uu iscailo Eedeyn Kululna Ujeediyay Farmaajo.

Tuesday April 03, 2018 - 16:23:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari Oo Diiday in Uu iscailo Eedeyn Kululna Ujeediyay Farmaajo.

    Waxaa cirka iskusii shareeraya Khilaafkii u dhaxeeya Hoggaanka Dowladda Federaalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa cirka iskusii shareeraya Khilaafkii u dhaxeeya Hoggaanka Dowladda Federaalka ee fadhigoodu yahay magaalada Muqdisho.

Dhammaan dadaalladii lagu doonayo in lagusoo Afjaro khilaafka u dhaxeeya Kheyre iyo Jawaari ayaa guuldarreystay kadib markii uu Farmaajo si toos ah ula saftay R/wasaarihiisa Kheyre.

Max'med Cismaan Jawaari oo ah guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa shir Jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Muqdisho wuxuu ku sheegay in cadaadis uu kala kulmayo xafiisyada madaxweynaha iyo R/wasaaraha isagoo shaaciyay in dalab iscasilaad ah uu uga yimid dhanka Farmaajo.

"Waa wax layaab leh in Xukuumadda ay dhahdo lama shaqeyn karno Guddoonka Baarlamaanka, inaan ayaga u shaqeeyo miyay rabaan, waxaa rabaa inaan qeexo arrin dastuuri ah anaga uma joogno inaan u shaqeyno Xukuumadda, wada shaqeyn ayaa naga dhaxeyso, aniga is casili maayo, iyada ha is casishoā€¯ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.


Jawaari ayaa wax lalaayo ku tilmaamay in Farmaajo uu isaga ugu baaqo iscasilaad isagoo aan waxba ka qaban khilaafka u dhaxeeya xukuumadda iyo Baarlamaanka wuxuuna ugu baaqay golaha wasiirrada in ay iscasilaan.

Kulan Berri ay yeelan doonaan xildhibaanada wada mooshinka isaga ka dhanka ah ayuu ku tilmaamay mid Fowda ah oo haddii uu dhaco sababi doono tobaato dhanka siyaasadda ah wuxuuna waxa loogu yeero Beesha Caalamka ugu baaqay in ay si degdeg ah usoo farageliyaan khilaafka sii xoogeysanaya ee ka dhax jira Hoggaanka dowladda Federaalka.

Cabdi Wali Muudeey oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka ayaa lafilayaa in berri uu shir guddoomiyo fadhiga golaha Baarlamaanka ee xilka looga xayuubinayo jawaari.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items