Sedax Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay isgoyska Baar Ubax.

Tuesday April 03, 2018 - 20:52:30 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sedax Qof Oo Ku Dhintay Shil Baabuur Oo Ka Dhacay isgoyska Baar Ubax.

    Maanta Barqadii ayuu shil baabuur oo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maanta Barqadii ayuu shil baabuur oo khasaara dhimasho iyo dhaawac ah dhaliyay ka dhacay bartamaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Shilkan gaari wuxuu ka dhacay inta u dhaxeysa Isgoys-yada Black-sea iyo Baarwax ee magaalada Muqdisho,iyadoona faahfaahin laga helayo khasaaraha ka dhashay shilkan gaari.

Shilka ayaa yimid kadib markii uu rogmaday gaari nooca Xamuulka ah gaar ahaan nooca isku rogaha loo yaqaano kaasi oo ku dul fadhiistay Labo Mooto Bajaaj ah oo dad ay la socdeen.

Inta la xaqiijiyay shilkan gaari waxaa ku dhintay Saddex ruux tiro kalane weey ku dhaawacmeen kuwaasi oo loo qaaday goobaha caafimaadka ee magaaladan Muqdisho.


Gaariga Xamuulka ee rogmaday islamarkaana ku dul fadhiistay Labada Moote Bajaajka ah ayaa si xad dhaaf ah u rarnaay sidoo kalane xawaare sare ayuu ku socday taasi oo ugu dambeyntii sababtay inuu rogmada.

Related Items