Mas'uul Katirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Badbaaday Qarax Lagula Eegtay Degmada Wadajir.

Tuesday April 03, 2018 - 21:05:43 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uul Katirsan Maamulka Gobolka Banaadir Oo Ka Badbaaday Qarax Lagula Eegtay Degmada Wadajir.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo caawa ka dhacay dhanka galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir qarax ka dhacay Muqdisho
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax xooggan oo caawa ka dhacay dhanka galbeed ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa lagu bartilmaameedsaday mid kamida saraakiisha maamulka gobolka Banaadir ugu magacaaban dowladda Federaalka, Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu haleelay gaari  uu watay guddoomiye ku xigeenka dhanka ammaanka iyo siyaasadda degmada Wadajir.

Ugu yaraan laba askari ayaa la xaqiijiyay in ay qaraxa ku dhaawacmeen balse waxaa si diriq ah uga badbaaday guddoomiye ku xigeenka ammaanka degmada Wadajir.


Goobta qaraxu ka dhacay oo ah isgoyska Danwadaagta waxaa gaaray ciidamo farabadan oo katirsan dowladda Federaalka iyagoona goobta ka kaxeeyay mas'uulka isku dayga dil ka badbaaday.

Xarakada Al Shabaab ayaa sare uqaadday qaraxyada iyo dilalka ka dhanka ah madaxda dowladda Federaalka oo ay ka fulinayso degmooyinka gobolka Banaadir.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items