Ciidamada Kenya Oo Qaraxyo Lagula Beegsaday Duleedka Degmada Dhoobleey.

Thursday April 05, 2018 - 19:05:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Kenya Oo Qaraxyo Lagula Beegsaday Duleedka Degmada Dhoobleey.

    Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara badan dhaliyay lagula eegtay ciidamo katirsan dowladda Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara badan dhaliyay lagula eegtay ciidamo katirsan dowladda Kenya.

Silsilado qaraxyo ah ayaa ciidamada Kenya ku qabsaday deegaanno dhaca duleedka degmada Dhoobleey ee dhacda xuduud beenaadka ay wadaagaan Kenya iyo Soomaaliya.

Qaraxa koowaad ayaa lala helay kolonyo gaadiid ah oo saad melleteri kasoo gelbisay dhanka xuduud beenaadka, qaraxa ayaa haleelay gaari Gaashaaman oo ciidanka Kenya wateen meel ku dhow Dhoobleey.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in khasaara dhimasho iyo dhaawac ah uu ciidamada gumeysiga Kenya kasoo gaaraya qaraxa halka burbur xooggan uu gaaray gaariga qaraxu haleelay.


Sidoo kale qarax ayaa lala helay ciidamo lugeynayay oo ka ambabaxay deegaanka Taabto kunasii jeeday dhanka Dhoobleey, Miino dhulka lagu aasay ayaa haleeshay ciidamo lugeynayay waxaana la sheegay in dhimasho iyo dhaawac uu gaaray ciidamada laqarxiyay.

Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay Mas'uuliyadda qaraxyadan lala eegtay ciidamada Kenya sida ay baahisay Idaacadda Islaamiga Andalus ee Afka Xarakada Ku hadasha.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items