Faah Faahin: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo Khasaara Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Bartamaha Muqdisho.

Friday April 06, 2018 - 16:09:47 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Faah Faahin: Al Shabaab Oo Sheegatay Mas'uuliyadda Qaraxyo Khasaara Badan Dhaliyay Oo Ka Dhacay Bartamaha Muqdisho.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo xooggan oo maanta ka dhacay bartamaha magaalada Muqdisho.

Qaraxyada oo ka dhashay gaadiid walxaha qarxa lagasoo buuxiyay ayaa lala eegtay isku imaatinno ay ku sugnaayeen askar iyo saraakiil katirsan dowladda Federaalka.

Qaraxa koowaad ayaa lala eegtay Bar koontarool oo kutaal wadada xiriirisa Garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho iyo isgoyska KM4 ee degmada Hodon, qaraxa waxaa lala helay ciidamo qeyb ka ah kuwa ilaaliya garoonka sida lagu sheegay war kasoo baxay Shabaabul Mujaahidiin.

Ugu yaraan 12 askari ayaa ku dhintay qaraxa ka dhacay wadada garoonka aadda wuxuuna ka dhashay gaari walxaha qarxa lagasoo buuxiyay oo uu kaxaynayay dagaalyahan naftiis hure ah.


Qaraxa 2-aad ayaa ka dhacay halka loo yaqaan Say Biyaano ee isla degmada Hodon, war rasmi ah oo kasoo baxay Al Shabaab ayaa lagu faah faahiyay laba weeraradii ka dhacay Muqdisho.

 "Mujaahidiinta ayaa camaliyaad istish-haadi iyo inghimaasi ah ku beegsaday maleeshiyaad katirsan Kooxda Ridada oo ku sugnaa gudaha magaalada Muqdisho, qaraxa koowaad oo istish-haadi ahaa waxaa lala helay goob uu cadawgu ka ilaaliyo garoonka diyaaradaha 12 murtad ayaa ku dhimatay qaraxa koowaad, weerarka labaad wuxuu ka dhacay Say Biyaano oo Mujaahid inghimaasi ah ayaa weeraray maleeshiyaad murtadiinta katirsan 6 kamid ah cadawga alle ayuu toogasho ku dilay kadibna gaari ayaa ku qarxay cadawga markii ay goobta isugusoo baxeen"ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al Shabaab.

isku geyn tirada askarta dowladda Federaalka uga dhimatay qaraxyadii maanta ayaa gaartay 18 askari iyo dhaawacyo soo gaaray tobaneeyo kale, bishii lasoo dhaafay ee Maarso ayay silsillado weeraro ah ka dhaceen wadada Makka Al Mukarrama oo ammaankeeda si aad ah ay u ilaaliyaan ciidamada AMISOM iyo Maleeshiyaadka Dowladda.

Xarakada Al Shabaab waxay ku goodisay in ay sii wadi doonto weerarada ay ku beegsanayso askarta iyo saraakiisha dowladda Federaalka, weeraradan waxay imaanayaan xilli afartii maalmood ee lasoo dhaafay ay xirnaayeen waddooyinka Muqdisho waxaana muuqata in howlgallada xarakada ay yihiin kuwa aan laga hortagi karin.

SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items