Nin Hubeysan Oo Dad Ku Laayay Jaamacad Kutaal Wadanka Turkiga.

Saturday April 07, 2018 - 11:24:55 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Hubeysan Oo Dad Ku Laayay Jaamacad Kutaal Wadanka Turkiga.

    Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hubesyan oo ka dhacay gudaha wadanka Turkiga oo kamid ah dowladaha dhaca qaaradda Aasiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara xooggan ayaa ka dhashay weerar hubesyan oo ka dhacay gudaha wadanka Turkiga oo kamid ah dowladaha dhaca qaaradda Aasiya.

Saraakiisha Booliska Turkiga ayaa sheegay in ugu yaraan 7 qof ay ku dhinteen toogasho ruux hubeysan uu ka geystay gudaha Jaamac kutaal magaalada Eskisehir.

Mid kamida baarayaasha wax ka dhiga jaamacadda ayaa qori nuuca daran dooriga udhaca ah ku weeraray goob ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin katirsan dowladda Turkiga.

Ninka toogashada geystay ayaa gacanta lagu dhigay ka hor inta uusan isku dayin in uu goobta si nabad gelya ah uga baxsado, maamulaha Jaamacadda Osman Gaazi ayaa warbaahinta u sheegay in ay layaabeen sababta ku riixday Ninka baaraha ah in uu laayo arday iyo mas'uuliyiin.


Dadka toogashada ku dhintay waxaa kamid ah guddoomiye waaxeed katirsan gobolka Eskisehir, sidoo kale illaa 6 qof ayaa la sheegay in ay ku dhaawacmeen weerarka ka dhacay Koonfur Galbeed wadanka Turkiga.

Xukuumadda Ankara wali wax war ah kamasoo saarin weerarkan lama oga in ay falkan ku lug leeyihiin Kooxaha Kurdiyiinta ee katirsan Xisbiga shaqaalaha PKK iyo in kale.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed