Dhageyso: Abuu Muscab Oo Digniin Udiray Ciidamada Dowladda Ee Koontaroollada Ku Sugan Baaqna Ujeediyay Shacabka Muqdisho.

Saturday April 07, 2018 - 20:27:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Abuu Muscab Oo Digniin Udiray Ciidamada Dowladda Ee Koontaroollada Ku Sugan Baaqna Ujeediyay Shacabka Muqdisho.

    Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo xiriir ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska ciidanka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa faah faahin dheeri ah ka bixiyay howlgallo xiriir ahaa oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho.


Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab Afhayeenka Ciidamada Xarakada Al Shabaab ayaa shir Jaraa'id oo uu qabtay wuxuu hanjabaad kulul ugu jeediyay Maleeshiyaadka DF-ka ee koontaroollada ka sameystay degmooyinka gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in Mujaahidiintu ay bilaabeen howlgallo istish-haadi ah oo ay ku beegsanayaan Koontaroollada ay maleeshiyaadka Xasilinta caasimadda ay ka sameysteen isgoysyada Muqdisho.

Maleeshiyaadka ayuu kula taliyay in ay isaga cararaan jidgooyooyinka haddii kale ay ku hooban doonaan weerarada istish-haadiga ah ee uga imaanaya dhanka Mujaahidiinta.



Dhinaca kale Sheekh C/Caziz Abuu Muscab ayaa shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho ugu baaqay in ay isaga fogaadaan dhammaan baraha Koontarool iyo isku imaatinnada ay ku suganyihiin Maleeshiyaadka dowladda.

"halkaan waxaan ka diyaraynaa laba Farriimood oo muhiim ah,midda koowaad koontarroolladaas dadka udhow ee muslimiinta ah oo magaalada Muqdisho kunool waxaan leenahay Koontaroolladu waa hadaf iyo bartilmaameed ay mujaahidiintu beegsan doonaan sida haddaba ay bilaabatay beegsigoodu waana socan doonaa insha'allaah,murtadiintaana waa lagu xasuuqi doonaa haddii ilaahey yiraahdo dadka muslimiinta ah ee halkaas ku sugan waxaan leenahay ka dheeraada maxaa yeelay madoonayo in wax dhib ah soo gaaro qof muslim ah ama dhiiggiisu xaq darro ku daato" ayuu yiri Sheekh Abuu Muscab.

Sidoo kale Afhayeenka ciidamada Al Shabaab ayaa ugu baaqay maleeshiyaadkad dowladda Federaalka in aysan waardiyayaal unoqon ciidamada shisheeye ayna wadada ubaneeyaan Mujaahidiinta.

"Farriinta 2-aad waxay ku jiheysantahay murtadiinta taagtaagan koontaroollada ee walaalada u ah cadawga gaalada ah, waxaan leenahay waxa aad ilaalinaysaan waa gaalo asliyiin saliibiyiin ah annagu iyaga ayaan u soconnaa gadaal ayay mareen idinkana horay ayay idinsoo mariyeen oo wixii ay dhadhamin lahaayeen aad idinku dhadhamisaan"ayuu yiri Abuu Muscab.

Taliska ciidanka Al Shabaab ayaa kula taliyay maleeshiyaadka dowladda in ay isaga kala dhax baxaan iyaga iyo Ciidamada AMISOM " waxaan leenahay gaal u yimid in uu dhulkiinna Boobo oo gabdhihiina kufsado ammaankiisa ha ilaalina ee alle utowbad keena oo mujaahidiin iyo gaalada isaga kala dhax baxa"

Halkan ka degso ama Hoos Ka Dhageyso



Related Items