Taliyihii Nabad Sugidda Deegaanka Ceelasha Biyaha Oo Duleedka Muqdisho Lagu dilay.

Saturday April 07, 2018 - 22:31:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliyihii Nabad Sugidda Deegaanka Ceelasha Biyaha Oo Duleedka Muqdisho Lagu dilay.

    Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa Fiidkii lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in caawa Fiidkii lagu dilay sarkaal sare oo katirsanaa dowladda Federaalka Soomaaliya.



Xoogag hubeysan oo katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa weerar gaadma ah ku dilay Col.Mustafa Beer Dilaacshe oo ahaa taliyaha Nabad sugidda deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka galbeed uga beegan magaalada Caasimadda ah.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Taliyaha iyo mid kamida istaafkiisa ladilay islamarkaana xoogagii dilka geystay ay horay usii kaxaysteen gaari nuuca raaxada ah oo uu watay Col.Mustafa Beer Dilaacshe.

Wararka ayaa intaas ku daraya in taliyaha Nabad Sugidda Ceelasha Biyaha ee caawa ladilay uu horay usoo noqday taliyaha ammaanka ee degmooyinka Yaaqshiid iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir.



Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay Mas'uuliyadda taliyihii Nabad sugidda deegaanka Ceelasha Biyaha, illaa iyo hadda wax war ah kamasoo bixin dowladda Federaalka oo ku aaddan dilka caawa ka dhacay duleedka Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed