Ciidamada 'Xasilinta Caasimadda' Oo Faarujiyay Isbaarooyin uyiillay Isgoysyada Magaalada Muqdisho.

Sunday April 08, 2018 - 11:39:37 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada 'Xasilinta Caasimadda' Oo Faarujiyay Isbaarooyin uyiillay Isgoysyada Magaalada Muqdisho.

    Saacado Kadib markii ay Xarakada Al Shabaab hanjabaad adag u jeedisay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayey qaar kamid ah ciidamada bilaabeen in ay baneeyaan barihii Koontaroo oo ay uga sugnaayeen magaalada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saacado Kadib markii ay Xarakada Al Shabaab hanjabaad adag u jeedisay maleeshiyaadka dowladda Federaalka ee ka howlgala magaalada Muqdisho ayey qaar kamid ah ciidamada bilaabeen in ay baneeyaan barihii Koontaroo oo ay uga sugnaayeen magaalada.

Boqolaal katirsan ciidamada Xasilinta Caasimadda loo yaqaan ayaa baneeyay isgoysyo muhiim ah oo ay saldhigyo ku lahaayeen, shalay gelinkii dambe illaa iyo xalay ayaa la arkayay ciidamada oo faarujinaya jidgooyooyinkii ay ku sugnaayeen.

Ciidamo oo wata gaadiidka Tiknikada loo yaqaan ayaa dib ugu laabtay saldhigyo ciidan oo ay ku leeyihiin gudaha magaalada, goob joogayaal ayaa sheegay in waddooyinka qaar si nabad gelya ah lagu marayo waloow isgoysyada qaar lagu arkayo ciidamo Boolis ah.


Isgoysyada Howlwadaag,Sanca, Fagax iyo Xararyaale ayaa la sheegay in ay isaga baxeen maleeshiyaadkii Xasilinta caasimadda, warbaahinta ku hadasha Afka dowladda Federaalka ayaa arrintan ku macneysay cabasho dhanka mushaaraatka ah.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada Xasilinta Caasimadda ay ka baqayaan weerarada isdaba joogga ah ee uga imaanaya xarakada Shabaabul Mujaahidiin, jimcihii lasoo dhaafay laba weerar istish-haadi ah oo ka dhacay isgoysyo kuyaal magaalada Muqdisho ayaa lagu dilay ugu yaraan 18 askari oo dowladda katirsan.

Sheekh Cabdi Caziiz Abuu Muscab oo ah Afhayeenka ciidamada Al Shabaab ayaa ugu baaqay ciidamada Dowladda Federaalka in ay baneeyaan isgoysyada haddii kale ay ku beegsan doonaan camaliyaatka istish-haadiga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items