Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga baxaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.
Wararka ka imaanaya Galguduud ayaa sheegaya in ciidamada Xabashida Itoobiya ay
saaka aroortii isaga baxeen dhowr saldhig oo ay ku lahaayeen gudaha iyo
hareeraha magaalada Dhuusamareeb.
Goob Joogayaal ayaa sheegay in ciidamada Itoobiya ay u dhaqaaqeen dhanka dhulka
Soomaaligalbeed ee gummeysiga kujira, ciidamada oo wata gaadiidka gaashaaman
iyo baabuurta Uuraallada loo yaqaan ayaa la arkayay iyagoo ku socdaalaya wadada
laamiga ah.
Ilo wareedyo lagu kalsoonyahay waxay sheegayaan in ciidamada Itoobiya badankood
ay baxeen marka laga reebo ciidamo wata gaari Uuraal ah iyo gaari Cabdi Bile
ah.
Maleeshiyaadka Mushrikiinta Qabuura caabudka ah iyo ciidamada maamulka Galmudug
ayaa lagu arkayaa gudaha Dhuusamareeb, mid kamida saraakiisha mushrikiinta ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in
Itoobiyaanku ay magaalada isaga baxeen balse aysan ogeyn halka ay ujiheysteen.
Sanaddii lasoo dhaafay ayay ciidamada gummeysiga Itoobiya sidaan oo kale uga
baxeen degmada Ceelbuur ee isla gobolka Galguduud oo hadda uu kajiro maamul
islaami ah.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Warar Sheegaya in Ciidamada Itoobiya Ay isaga Baxeen Magalada Dhuusamareeb.
Kumanaan katirsan ciidamada Xabashida Itoobiya ayaa billaabay in ay isaga baxaan magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galguduud bartamaha dalka Soomaaliya.