Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale sii laba kacleeyay kadib markii ay fashilmeen dhammaan dadalladii ladoonayay in khaliifka lagu qaboojiyo.
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Max'med Cismaan Jawaari oo ku magacaaban
guddoomiyaha Baarlamaanka uu diiday soo jeedin ka timid Kheyre iyo Farmaajo oo
aheyd in uu iska casilo xilka guddoomiyanimo.
Jawaari oo taageero ka helaya dowladda Imaaraatka Carabta iyo siyaasiyiin
mucaarad ah ayaa ku adkeysanaya in aysan jirin sabab uu isku casilo wuxuuna si
cad u sheegay in uu dhacay waqtigii loogu talagalay in cod lagu geliyo mooshinkii
isaga ka dhanka ahaa.
Cabdi Wali Muudeey oo ah guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka oo ah
Ninka Farmaajo iyo Kheyre u xilsaareen Afgambinta Jawaari ayaa berri isugu
yeeray xildhibaanada waxaana lafilayaa in codka kalsoonida loo qaado Jawaari.
Warar soo baxay waxay sheegayaan in Jawaari uu saluugay lacago Malaayiin dollar
ah oo loosoo bandhigay si uu uga tago xilka guddoomiyanimo, lacagtan oo qaab
laaluush ahaan ay u diyaariyeen xafiisyada R/wasaaraha iyo Madaxweynaha ayaa
lagu sheegay 7 Milyan oo dollar.
Dowladaha shisheeye ee taageero dowladda Federaalka ayaa ku guul darreystay
cadaadisyo ay saareen madaxda dowladda oo ku aadanaa in ay khilaafka joojiyaan.
Dhinaca kale warar kala duwan ayaa kasoo baxaya diyaarado ay leedahay dowladda
imaaraatka carabta oo maanta gelinkii dambe kasoo degay garoonka diyaaradaha
Muqdisho.
Diyaaradaha oo ay ilaalinayeen ciidamo ka tirsan dowladda Imaaraatka carabta
ayaa siday boorsooyin lacago dollar ah oo xukuumadda Dubai ugu talagashay in ay
ku maalgeliso taageerayaasheeda Soomaaliya.
Lacagta oo lagu sheegay 13 Milyan oo dollar ayaa lageeyay xarunta Bangiga
dowladda Federaalka halkaas oo ammaankiisa si aad ah loo adkeeyay, warar laysla dhax
marayo waxay sheegayaan in lacagtaan loo talagalay in lagu taageero Jawaari iyo
siyaasiyiin UAE danaheeda ka shaqeynaya halka warar kale sheegayaan in
lacagtaan loo qoondeeyay in mushaar looga dhigo sirdoonka DF-ka iyo ciidamada
maamul goboleedyada.
Siyaasado isdiidan iyo jiha wareer dhanka amniga ah ayaa lagasoo sheegayaa
xaafado katirsan magaalada Muqdisho oo ay maamusho Dowladda Federaalka,
xafiisyada dowladda waxaa saameeyay arrinta khilaafka waxaana jirta kala qeyb
sanaan saameysay shaqaalaha iyo madaxda DF-ka.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Khilaafka Madaxda DF iyo Diyaarado Malaayiin Dollar Kasoo Dajiyay Garoonka Diyaaradaha [Warbixin].
Khilaafka u dhaxeeya hoggaanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markale sii laba kacleeyay kadib markii ay fashilmeen dhammaan dadalladii ladoonayay in khaliifka lagu qaboojiyo.