Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ba'an ugeystay mid kamida garoomada melleteri ee ugu waaweyn wadanka Suuriya.
Wararka ka imaanaya Suuriya ayaa sheegaya in diyaaradaha Yahuudda ay xalay
gantaallo ku garaaceen garoonka melleteriga ee T4 halkaas oo ay ka haadaan inta
badan diyaaradaha dagaalka Nidaamka Bishaar Al-asad ee xasuuqa ku haya shacabka
Rayidka ah.
Telefeshinka Afka xukuumadda Suuriya ku hadla ayaa xaqiijiyay in duqeymo ba'an
uu la kulmay madaarka T4 ee kuyaal gobolka Ximis ee bartamaha dalka Suuriya.
"Difaaca cirka ayaa iska caabiyay duqeyn cadowtooyo oo uu lakulmay
garoonka T4 waxayna dhulka soo dhigeen illaa 8 saaruukh waxaana jira dhimasho
iyo dhaawac ka dhalatay duqeynta" ayaa lagu yiri war kasoo baxay nidaamka
Bishaar Al-asad.
Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka ayaa warbixin ay soo saartay ku beenisay
in ay mas'uul ka aheyd duqeynta loo geystay garoonka diyaaradaha melleteriga
Bishaar Al-asad uu u adeegsado duqeymaha hubka kiimikada ah.
Dhinaca kale dowladda Ruushka ayaa xaqiijisay in duqeyntii xalay ka dhacday
bartamaha Suuriya ay geysteen diyaaradaha casriga maamulka Yahuudda.
Wasaaradda Difaaca Ruushka ayaa war kooban oo ay soo saartay ku xaqiijisay in
duqeynta ay geysteen laba diyaaradood oo Suuriya kasoo galay dhanka Hawada
wadanka Lubnaan.
Duqeymahan ayaa imaanaya maalin kadib markii maamulka Bishaar Al-asad uu hubka
Kiimikada ku xasuuqay shacab muslimiin ah oo ku sugnaa magaalada Duma ee
duleedka magaalada Dimishiq ee caasimadda ah.
Xasuuqa ayaa galaaftay nolosha in kabadan 180 qof oo ubadan haween iyo carruur
halka dhaawacyadu ay sii caga cageynayaan 500 oo qof, Nidaamka Al-asad ayaa
adeegsaday gaaska Kaloorka loo yaqaan ee mamnuuca ka ah in loo adeegsado
dagaallada.
Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho
Yahuudda Oo Duqeysay Garoon Melleteri Oo Kuyaal Bartamaha Dalka Suuriya.
Diyaarado dagaal ayaa duqeymo ba'an ugeystay mid kamida garoomada melleteri ee ugu waaweyn wadanka Suuriya.