Trumo Oo Ku Hanjabay in Uu Tallaab Ka Qaadi Doono Nidaamka Suuriya.

Monday April 09, 2018 - 20:28:40 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Trumo Oo Ku Hanjabay in Uu Tallaab Ka Qaadi Doono Nidaamka Suuriya.

    Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay ka fikirayaan tallaab cusub oo ay ku wajahaan dagaalka ka socda wadanka Suuriya ee dhaca Mandiqadda Bariga dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay ka fikirayaan tallaab cusub oo ay ku wajahaan dagaalka ka socda wadanka Suuriya ee dhaca Mandiqadda Bariga dhexe.



Donald Trump oo warbaahinta kula hadlay magaalada Washington ayaa sheegay in 24 saac illaa 48 saac gudahood uu mareykanku wax uga bedeli doono arrimaha Suuriya.

"24-ka saac illaa 48 saac ee soo socda ayaan go'aan adag uga qaaddan doonnaa arrimaha wadanka Suuriya" ayuu yiri Hoggaamiyaha Mareykanka.

Wakaaladda Wararka Reuters ayaa Donald Trump kasoo xigatay suurtagalnimada howlgal melleteri oo Mareykanku uu ka fulin doono gudaha wadanka Suuriya balse lama oga nuuca tallaabadaasi.



Dhinaca kale madaxweynaha Ruush-ka Faladamiir Puntin ayaa uga digay Mareykanka in howlgal melleteri uu ka fuliyo Suuriya isagoo ku marmarsiyoonaya ka jawaabidda weerarkii Kiimikada ahaa ee Nidaamka Bishaar Al-asad uu maalmo ka hor ka geystay duleedka Dimishiq halkaas oo uu ku dilay dad ka badan 180 qof oo haween iyo Carruur ubadan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items