Waali Cusub Oo loo Magacaabay Wilaayada Galguduud Sheekh Xasan Yacquub Oo la Bedelay.

Tuesday April 10, 2018 - 08:59:06 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Waali Cusub Oo loo Magacaabay Wilaayada Galguduud Sheekh Xasan Yacquub Oo la Bedelay.

    Maktabka Siyaasadda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waali cusub u magacaabay wilaayada islaamiga Galguduud ee dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maktabka Siyaasadda Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa waali cusub u magacaabay wilaayada islaamiga Galguduud ee dhacda bartamaha dalka Soomaaliya.

Isbedelka dhanka maamulka ah ayaa ka xasilay Galguduud waxaana waaliga cusub ee wilaayaadadaas loo magacaabay Sheekh Cabdullaahi Abuu Khaalid oo bedelay Sheekh Xasan Yacquub Cali Waaligii hore ee wilaayada Galguduud.

Munaasabad ka dhacday magaalada Ceelbuur oo ay ka qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada iyo mas'uuliyiin katirsan Xarakada Al Shabaab ayaa isbedelka cusub ee dhanka maamulka ah looga dhawaaqay.

Sheekh Xasan Cali Yacquub Cali ayaa muddo shan sanadood ka badan ahaa waaliga Galguduud isagoona wax badan ka qabtay arrimaha bulshada iyo dagaalka lagula jiro ciidamada shisheeye ee dalka kusoo duulay.


Waaliga Cusub ayaa kalimad uu ka jeediyay munaasabaddii uu xilka kula wareegay wuxuu u mahad celiyay qabaa'illada ku dhaqan gobolka Galguduud oo kaalin weyn ku lahaa xureyntii ciidamada Itoobiya laga xureeyay degmooyin iyo deegaanno dhaca Bariga gobolka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items