Jawaari Oo Farmaajo Ka Hor Sheegay in Uu iska Casilay Xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Tuesday April 10, 2018 - 16:22:14 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Jawaari Oo Farmaajo Ka Hor Sheegay in Uu iska Casilay Xilkii Guddoomiyaha Baarlamaanka.

    Max'med Cismaan Jawaari ayaa xaqiijiyay in uu iska casilay xilkii uu hayay ee ahaa guddoomiyaha baarlamaanka kadib khilaaf xooggan oo kala dhaxeeyay Hoggaanka DF-ka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Max'med Cismaan Jawaari ayaa xaqiijiyay in uu iska casilay xilkii uu hayay ee ahaa guddoomiyaha baarlamaanka kadib khilaaf xooggan oo kala dhaxeeyay Hoggaanka DF-ka.

Jawaari iyo Farmaajo oo shir jaraa'id ku wada qabtay xarunta madaxtooyada ayaa saxaafadda u xaqiijiyay in guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka uu iscasilay balse faah faahin dheeri ah kama bixin waxa soo dadajiyay iscasilaaddiisa.

Farmaajo oo hadlayay ayaa Jawaari ku sifeeyay halyeey u tanaasulay wax uu ugu yeeray Qaranimada dalka "Waxaan u mahad celinayaa Guddoomiye Jawaari oo in ka badan 50 sano xilal kala duwna soo qabtay, waa oday Soomaaliyeed, waa khabiir dhanka sharciga in badan dowladnimada ka soo shaqeeyay, go’aanka uu qaatay waa mid taariikhi ah, wax shuruud ah oo ku xiran ma lahan”ayuu yiri Farmaajo.


Wariyaashii shirka ka qeyb gelaysay ayaa loo diiday in ay su'aalo weydiiyaan Jawaari halka Farmaajo uu ka gaabsanayay in uu ka hadlo khilaafkii saameynta yeeshay ee dhax maray xukuumadda iyo Baarlamaanka.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in iscasilaadda ay timid kadib markii gacanta laga geliyay lacag gaaraysa 5 Milyan oo lacagta dollarka Mareykanka ah.

Dadka falanqeeya arrimaha siyaasadda ayaa aaminsan in isreeb reebku uu soo gaari doono Farmaajo iyo Kheyre oo hadda ah isbaheysi dan wadaag ah balse ay dhabarka isku jeedin doonaan waqti aan dheerayn.

Dhammaan madaxdii dowladda Federaalka soo martay ayaa is khilaafi jiray islamarkaana Mooshinno iska geyn jiray xildhibaannada Baarlamaanka oo ah laaluush qaatayaal.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items