Ciidamo Mareykan iyo Kenyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Duleedka Kismaayo.

Tuesday April 10, 2018 - 16:44:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamo Mareykan iyo Kenyaan Ah Oo Lagu Qarxiyay Duleedka Kismaayo.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara dhaliyay dhaliyay Kenyaati ah maleeshiyaad katirsan maamulka 'Jubaland' lagula beegsaday duleedka magaalada Kismaayo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

sawir hore qarax lala eegtay ciidamada AMISOM
Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in qaraxyo khasaara dhaliyay dhaliyay Kenyaati ah maleeshiyaad katirsan maamulka 'Jubaland' lagula beegsaday duleedka magaalada Kismaayo.

Sida ay sheegeen dadka deegaanka qaraxyo is xigxigay ayaa ciidamada Shisheeyaha Kenya iyo maleeshiyaadka dabadhilifyada ah  oo ay wehliyaan saraakiil Mareykankan ah lagula eegtay deegaan katirsan gobollada Jubbooyinka.

 
Ilo wareedyo ayaa sheegaya in ciidamada huwanta ah uu gaari nuuca gaashaaman ah uu uga gubtay qaraxyada balse illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah lagama hayo khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay qaraxyada.


Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay Mas'uuliyadda qaraxyada sida ay baahisay idaacadda islaamiga Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha, mana ahan markii ugu horraysay qaraxyo ka dhanka ah cadawga shisheeye ay ka dhacaan deegaannada dhanka Waqooyi uga beegan Kismaayo.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items