Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.

Tuesday April 10, 2018 - 20:06:52 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qarax Gaari Oo Ka Dhacay Degmada Wadajir Ee Magaalada Muqdisho.

    Qarax Khasaara dhaliyay ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay mid kamida xaafadaha degmada Wadajir ee galbeedka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sawir hore qarax Muqdisho ka dhacay
Qarax Khasaara dhaliyay ayaa maanta gelinkii dambe ka dhacay mid kamida xaafadaha degmada Wadajir ee galbeedka magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa oo ka dhax qarxay gaariga nuuca raaxada ah uu sababay dhaawaca illaa iyo Afar qof oo mid kamida uu ahaa Nin caan ka ah degmada wadajir.

Qaraxa oo ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ayaa haleelay gaari uu watay Nin magaciisa lagu sheegay Caraboow Cali Makaraan kaasi oo xilligaas ku sugnaa goob shaqa dhismo ah ay ka socotay.

Warbaahinta maxalliga ah ayaa sheegtay in darawalka gaariga uu si xun ugu dhaawacmay qaraxa waxaana ka go'ay labada lugood halka dhaawacyo ay gaareen illaa iyo sedax qof oo gaariga saarnaa.


illaa iyo hadda faah faahin dheeri ah lagama hayo waxa uu ahaa qofka gaarigiisa qaraxa lala helay iyo cidda mas'uulka ka aheyd qarxaasi, tani ayaa qeyb ka ah ammaan darrada baahsan ee ka jirta magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items