Dowladda Imaaraatka Oo Soo Saartay Cambaarayn Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka.

Tuesday April 10, 2018 - 20:28:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Imaaraatka Oo Soo Saartay Cambaarayn Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka.

    War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu cambaareeyay tallaabadii ciidamada dowladda Federaalka ay ku xanibeen diyaarad ka diiwaan gashaneed Abu Dubai taas oo 8-dii bishaan kasoo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War rasmi ah oo kasoo baxay dowladda Imaaraatka Carabta ayaa lagu cambaareeyay tallaabadii ciidamada dowladda Federaalka ay ku xanibeen diyaarad ka diiwaan gashaneed Abu Dubai taas oo 8-dii bishaan kasoo degtay garoonka diyaaradaha Muqdisho.



Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarrada arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga UAE ayaa lagu sheegay in ciidamada DF-ka ay ku kaceen fal ka baxsan wax ay ugu yeertay acraafta iyo qawaaniinta caalamiga ah ee dilumaasiyadda.

"Dowladda Imaaraatka Carabtay waxay si kulul u cambaaraynaysaa falkii maamulayaasha amniga Soomaaliya kay u qafaasheen diyaarad gaar ah oo ka diiwaangashaneed UAE, diyaaraddaasi oo sideedkii bishaan April ku degtay garoonka caalamiga Muqdisho waxaana la socday 47 kamid ah ciidamadeenna qalabka sida ee imaaraatka ,laamaha amniga soomaaliya waxay la wareegeen lacago loogu talagalay maalgelinta dhismaha ciidamada ammaanka  waxayna hub ku handadeen ciidamadii la socday diyaaradda "ayaa lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Imaaraatka.



Xukuumadda Dubai ayaa dowladda Federaalka ku eedeysay in muddo saacada ah ay diyaaradeedda gaarka ah ku heysatay garoonka diyaaradaha caalamiga Muqdisho islamarkaana ay la wareegtay lacago malaayiin dollar ah.

"Wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah waxay cambaareynaysaa falkaas oo khilaafsan dhammaan qawaaniinta diblumaasiyadda wuxuuna dhaawacayaa heshiisyadii dhanka amniga iyo iskaashiga ahaa ee Soomaaliya nagala dhaxeeyay" ayaa markale lagu yiri warka kasoo baxay dowladda Imaaraatka.

Warkan ayaa banaanka soo dhigaya sida khilaafka u dhaxeeya dowladdaha Khaliijka uu saameyn ugu yeeshay maamulka Farmaajo madaxda ka yahay waxaana xusid mudan in gudaha Soomaaliya ay  dowladda Imaaraatku ku leedahay maleeshiyaad iyadu tababaratay sidoo kale shirkadda DP  ayaa la wareegtay dekadaha Boosaaso iyo Berbera.

Lacagtan lagu qabtay magaalada Muqdisho ayaa la rumeysanyahay in dowladda imaaraatka carabta ay kusii hurin laheyd khilaafkii u dhaxeeyay Hoggaanka dowladda Federaalka oo ah dabadhilifyo xiriir laleh dowlado shisheeye waxaana xusid mudan in madaxda dowladda ay heystaan dhalashada dowlado ajaanib ah oo ajandayaashooda ay ka shaqeeyaan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items