3 Askari Yugaandheys ah oo Baraawe Lagu Dilay iyo Qarax Ka Dhacay Baydhabo.

Wednesday April 11, 2018 - 10:12:29 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Askari Yugaandheys ah oo Baraawe Lagu Dilay iyo Qarax Ka Dhacay Baydhabo.

    Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin katirsan gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay magaalooyin katirsan gobollada Bay iyo Shabeelaha Hoose oo ay ku suganyihiin ciidamada shisheeye.

Ugu yaraan 2 askari oo katirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku dhintay qarax ciidamo lagula eegtay saldhig kuyaal xaafadda ADC ee magaalada Baydhabo.

Qaraxa oo haleelay ayaa isku imaatin ay ku sugnayeen maleeshiyaadka maamulka Shariif Sakiin, goob joogayaal ayaa sheegay in tiro ciidamo ah ay ku dhaawacmeen qaraxa.

Dhinaca kale weerar ay xoogaga Al Shabaab ku qaadeen saldhigga ciidamada AMISOM ee deegaanka Ambareeso duleedka magaalada Baraawe ayaa sababay dhimashada 3 askari.


Idaacadda Andalus ee Afka Xarakada ku hadasha ayaa xaqiijisay jiritaanka weerarkan askarta looga dilay ciidamada Uganda ee qeybta ka ah soo duulayaasha AMISOM.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items