Akhri: 30 Kamid Ah Lataliyaasha Gaarka ah Ee Trump oo iscasilaad Ku dhaqaaqay 12 Bilood gudahood.

Wednesday April 11, 2018 - 10:20:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhri: 30 Kamid Ah Lataliyaasha Gaarka ah Ee Trump oo iscasilaad Ku dhaqaaqay 12 Bilood gudahood.

    Markale mid kamida mas'uuliyiinta aqalka cad ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Markale mid kamida mas'uuliyiinta aqalka cad ee Mareykanka ayaa ku dhawaaqay in uu iska casilay xilkii uu ka hayay maamulka Trump.

War kasoo baxay aqalka Cad ayaa lagu xaqiijiyay in uu iscasilay lataliyihii dhanka ammaanka gudaha ee Donald Trump maalmo kadib markii lataliyaha ammaanka Qaranka ee Aqalka cad loo  magacaabay John Bolton oo ah ruug caddaa lasoo shaqeeyay G.W.Bush Madaxweynihii hore ee Mareykanka.

iscasilaadda Tom Bossert lataliyihii dhanka amniga gudaha ee Trump ayaa ka dhigeysa mas'uuliyiinta iska casishay xafiiskiisa illaa iyo 30 Nin oo dhammaantood katirsanaa Xisbiga talada Haya ee Jamhuriga.


Hoos Ka Akhri Magacyada iyo Jagooyinka Mas'uuliyiintii shaqada ka tagay tan iyo markii uu Trump qabtay Talada USA

Tom Bossert - La taliyaha dhanka Amaanka Gudaha.

David Shulkin - Waaxda saraakishii hore ee howlgabka.

H.R. McMaster - La taliyihii dhanka Amaanka qaranka.

Andrew McCabe - Agaasime Ku xigeenkii FBI da.

Rex Tillerson - Xogyahii guud ee dowlada.

John McEntee - Kaliyihii qaaska ahaa ee Trump.

Gary Cohn - La taliyihii xaga dhaqaalaha ee Aqalka cad.

Roberta Jacobson - Safirkii mareykanka ee Maxico.

Hope Hicks - Agaasimihi isgaarsinta ee Aqalka Cad.

Josh Raffel - Afhayeen sare o ka tirsana waaxda cadaalada e Aqalka Cad.

David Sorensen - Sarkaalki qori jiray qud badaha Aqalka Cad.

Rachel Brand - Kaaliyii qaadiga guud - waaxda Cadaalada.

Rob Porter - Xog hayihii Shaqaalaha Aqalka Cad.

Omarosa Manigault Newman - Agaasimihi isgaarsinta ee Ololihi Trump.

-Richard Cordray - madaxii gudiga ilaalinta Isticmaalia hantida.

-Tom Price - Xoghayihii caafimadka ee Binu Aadanimada.

Sebastian Gorka - ku xigeenki kaliyaha Trump.

Steve Bannon - madaxii Istratijiyada.

Anthony Scaramucci - Agaasimihi isgarisiinta Aqalka Cad (10 maalmood ayu joogay xafiiska).

Reince Priebus - Madaxii shaqalaha Trump (July)

Michael Short- Kaaliyaha xoghayaha warbaahinta ee Aqalka Cad.

Sean Spice - xoghayaha warbaahinta ee Aqalka Cad.

Walter Shaub - Agaasimaha xafiska anshaxa Dowlada.

Michael Dubke - Sarkaal ka tirsan waxda Isgaarsiinta.

James Comey - Agaasimaha FBIda.

Katie Walsh - Agaasime ku xigeenka waaxda Shaqaalaha.

Preet Bharara - Dacwad ogihii Federaalka Manhattan.

Michael Flynn - La taliyihii Amniga qaranka ee Trump.

Sally Yates - Garsoore Guud.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items