Sawirro: 257 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Wadanka Al Jazaa'ir.

Wednesday April 11, 2018 - 13:25:02 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sawirro: 257 Qof Oo Ku Dhintay Shil Diyaaradeed Oo Ka Dhacay Wadanka Al Jazaa'ir.

    Boqolaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Aljazaa'ir oo kamid ah waddamada dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boqolaal qof ayaa ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay wadanka Aljazaa'ir oo kamid ah waddamada dhaca waqooyiga qaaradda Afrika.



Wararka Ka imaanaya wadanka Aljazaair ayaa sheegaya in diyaar ciidan oo nooca xamuulka ah ku burburtay meel ku dhow magaala madaxda wadankaasi ee Al-Jazaair.


Diyaaraddan oo sidday in kabadan 200 oo xubnood oo katirsan saraakiisha iyo askarta xukuumada ayaa burburtay daqiiqada yar kadib markii ay ka duushay Garoonka Ciidanka BOOFAARIIK ee dhaca duleedka Caasimadda ah.

 

Warar la helayo ayaa sheegaya in dhimashado kor u dhaaftay 257 ruux oo isugu jira saraakiil ciidan iyo askar waxaana jira dhaawacyo fara badan oo shilka ka dhashay.



Dadka ku dhintay Shilkaan diyaaradeed ayaa waxaa kujiro 26 xubnood oo katirsan Jabhada gooni ugoosadka ah ee Polosario ee u dagaalanta xureynta Saxaraha galbeed ee wadanka Morocco.




  Diyaaradu waxa ay ku burburtay Beer ku taala Hareeraha dariiqa weyn ee isku xiro garoonka iyo magaala madaxda wadanka, diyaaradan burburtay nooceeda waxaa lagu sheegay inuu ahaa kuwa lagu daabulo ciidanka iyo Agabka Military.

Telefeshin Afka dowladda ku hadla ayaa baahiyay muuqaal muujinayay diyaaradda oo si fooraar ah ugusii dhacaysa dhul beereed waxaana goobta shilku ka dhacay gaaray  ciidamada gurmadka degdegga ah.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items