Dhageyso: Waaliga Mudug Oo Sheegay in Shacabka Magaalada Gaalkacyo Ay Cadaalad Udoontaan Maxaakimta Islaamiga Ah.

Wednesday April 11, 2018 - 21:15:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso: Waaliga Mudug Oo Sheegay in Shacabka Magaalada Gaalkacyo Ay Cadaalad Udoontaan Maxaakimta Islaamiga Ah.

    Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Islaamiga Mudug Sheekh Abuu Cadnaan Wareysigaas oo Waaligu kaga hadlay arrimo muhiim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Idaacada Islaamiga ah ee Andalus ayaa baahisay wareysi gaar ah oo ay la yeelatay Waaliga Wilaayada Islaamiga Mudug Sheekh Abuu Cadnaan Wareysigaas oo Waaligu kaga hadlay arrimo muhiim ah.


Sheekh Abuu Cadnaan ayaa ugu horreyntii xusay in xaalad amni middii ugu wanaagsaneed imika ay heystaan bulshada ku dhaqan degmooyinka iyo deegaanada Raayada Towxiidka ay ka babaneyso ee Wilaayada Mudug,sidoo kale waxa uu xusay in Roobabka xilliga Guga ay ka curteen Gobolka Mudug ee Bartamaha Soomaaliya.

Waaliga Wilaayada Islaamiga ah ee Mudug ayaa sidoo kale sharaxaad ka bixiyay Heerka dhanka Dacwada Islaamiga ee Wilaayada iyo sida Qabaa’illada dega Wilaayada ugu tartamayaan Furashada Macaahid diini ah.



dhanka kale Sheekh Abuu Cadnaan ayaa xusay in Maxkamadaha Wilaayada Islaamiga Mudug ay usoo xukun tagaan bulshada ku dhaqan goobaha ay ka arrimayaan maamullada  Puntland iyo Galmudug sida magaalada Gaalkacyo oo ay ka wada taliyaan labadaasi maamul.

Wuxuu Sheegay in Shacabka oo ku qanci waayay Maxkamadaha Qaanuunka wax ku xukumo ee cadaalad darrada ku caan baxay ay masaafo dheer usoo jaraan sidii sharciga Islaamka ay ugu kala bixi lahaayeen.

Halkan ka degso Wareysiga Waaliga Mudug ama Hoos Ka dhageyso


Related Items