Dowladda Mareykanka Oo Kooxaha Suufida U Adeegsanaysa Dagaalka Ka Dhanka Ah Al Shabaab.

Thursday April 12, 2018 - 10:52:58 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Mareykanka Oo Kooxaha Suufida U Adeegsanaysa Dagaalka Ka Dhanka Ah Al Shabaab.

    Dowladda Mareykanka ayaa xeelad walba u adeegsanaysa xamlada saliibiga ah ee lagu qaaday caalamka islaamka lagasoo bilaabo sanadii 2001 xilligaas oo G.W Bush iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah Islaamka, xilligaas oo jamaacaatka jihaadiga ah ay dhankoo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Mareykanka ayaa xeelad walba u adeegsanaysa xamlada saliibiga ah ee lagu qaaday caalamka islaamka lagasoo bilaabo sanadii 2001 xilligaas oo G.W Bush iclaamiyay dagaalka ka dhanka ah Islaamka, xilligaas oo jamaacaatka jihaadiga ah ay dhankooda ku dhaqaaqeen Jihaad looga hor tegayo duullaanka cusub ee caalamka islaamka lagu qaaday.


Xeeladaha Mareykanku u adeegsanayo dagaalka ka dhanka ah mujaahidiinta waxaa kamid ah istiraatiijiyad ah ku shaqaysanayo wadaado xumayaal iyo kooxo ay ugu yeertay islaamka qunyar socodka ah.

Daraasado ay sameeyeen Hay’ado Mareykan ah oo taabacsan wasaaradda arrimaha dibadda ayaa ku taliyay in kooxaha Suufiyada munxarifiinta ah lagu biiriyo  dagaalka ka socda Soomaaliya.

Bartamihii sanadii 2008 ayay maleeshiyaadka suufida oo ay soo hubeysay dowladda xabashida Itoobiya waxay si toos ah ugusoo biireen duullaanka  lagusoo qaaday dalka Soomaaliya iyagoo dagaal ka bilaabay wilaayada islaamiga galguduud ee dhacda bartamaha Soomaaliya. waqtigaas oo itoobiyaanka lagu dhiig bixinayaydalka intiisa kale.




Al Shabaab ayaa si adag uga hortagay maleeshiyaadkaas suufida qabuuro-caabudka ah ee xabashida kusoo saf noqday, kuwaas oo ka taageerayay dhanka tababarka, hubka iyo rasaasta, mararka qaarkoodna dagaalka si toos ah ugala qayb qaadanayay.

 Kooxaha Suufida ee caanka ku ah ka hoos shaqeynta dowladaha dabadhilifyada ah ayaa marwalba waxay qeyb ka yihiin duullaanada ay ciidamada shisheeye dalka kusoo qaadeen.


Hoos ka degso Warbixin ku saabsan Mareykanka oo suufida dagaalka kusoo biiyay ama Hoos ka dhageyso


Related Items