Dad Ku Dhintay Darbi Kusoo Dummay Galbeedka Magaalada Beled Weyne.

Thursday April 12, 2018 - 07:28:16 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dad Ku Dhintay Darbi Kusoo Dummay Galbeedka Magaalada Beled Weyne.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dhisme kusoo dumay dad shaqaalaha ah gudaha magaalada Beled Weyne ee bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay dhisme kusoo dumay dad shaqaalaha ah gudaha magaalada Beled Weyne ee bartamaha dalka Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan laba qof ay dhinteen laba kalane ay dhaawacmeen kadib markii darbi shub ka sameysan uu kulasoo dumay galbeedka magaalada Beled Weyne.

Dadka dhintay ayaa ku sugnaa darbiga dhismo shaqa ka socotay, goob joogayaal ayaa sheegay in lala'yahay laba qof oo loo malaynayo in ay ku hoos xanibanyihiin burburka hoostiisa.

Waa markii ugu horraysay oo dhacdo nuucaan ah lagasoo calaamadeeyo magaalada Beled Weyne ee gobolka Hiiraan.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items