Weerar khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Yugaandha oo ka dhacay Duleedka Baraawe.

Thursday April 12, 2018 - 12:31:38 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Weerar khasaare Lagu Gaarsiiyay Ciidamada Yugaandha oo ka dhacay Duleedka Baraawe.

    Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Ayaa Dagaal Ku Qaaday Mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Afrikaanta ay ka sameysteen deegaanada ay kaga suganyahay Wilaayada Shabeelada Hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Xarakada Al-Shabaab Ayaa Dagaal Ku Qaaday Mid ka mid ah Saldhigyada Ciidamada Afrikaanta ay ka sameysteen deegaanada ay kaga suganyahay Wilaayada Shabeelada Hoose.


Dagaalkan oo dhacay fiidkii hore ee xalay ayay Ciidamada Mujaahidiintu ku qaadeen saldhiga ciidamada Yugaandha ay ku leeyihiin deegaanka Ambareso ee duleedka degmada Baraawe.

Daryanka hubka culus iyo madaafiicda la isku weydaarsanayay dagaalka ayaa laga maqlayay deegaanada ka fog Ambareeso, waxaana jira khasaare dhimasho iyo dhaawac leh oo soo gaaray ciidamada AMISOM  ah ee wadanka kusoo duulay.


Dagaalka xalay ka dhacay Ambareeso ayaa kusoo aadaya xilli Labo habeen ka hor sidan oo kale ciidamada Al-Shabaab ee ka hawlgala Wilaayada Sh.Hoose weerar ku qaadeen saldhiga ciidamada Uganda ee degmada Baraawe, halkaas oo lagu dilay Saddex askari oo Yugandheys ah halka mid kalena lagu dhaawacay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items