5 Askari Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Baraawe iyo Weerar AMISOM Lagula Beegsaday Golweyn.

Thursday April 12, 2018 - 19:13:04 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 4.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    5 Askari Oo Ku Dhintay Qarax Ka Dhacay Magaalada Baraawe iyo Weerar AMISOM Lagula Beegsaday Golweyn.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada xeebta leh ee Baraawe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac ah ayaa ka dhashay qarax xooggan oo ka dhacay magaalada xeebta leh ee Baraawe.

Wararka ka imaanaya Sh/Hoose ayaa sheegaya in ugu yaraan 5 askari ay ku dhinteen qarax lala helay isku imaatin ay ku sugnaayeen maleeshiyaad katirsan dowladda Federaalka.

Goob Joogayaal ayaa sheegay in Miino dhulka lagu aasay ay ku qaraxday ciidamo ku sugnaa halka loo yaqaan Barxadda Tabuuk ee magaalada Baraawe.

Jugta qaraxa ayaa laga maqlay gudaha magaalada iyo hareeraheeda, dhinaca kale weerar dhabbagal ah ayaa loo dhigay ciidamo katirsan AMISOM xilli ay ku socdaalayeen deegaan katirsan Sh.Hoose.


Xoogag katirsan Xarakada Shabaabul Mujaahidiin ayaa maanta gelinkii weerar jidgal ah ku qaaday ciidamo Yugaandheys ah oo ka amba baxay deegaanka Danoow kunasii jeeday dhanka Buula Mareer.

Wariye ku sugan Sh/Hoose ayaa soo sheegay in dagaal culus uu ka dhacay wadada xiriirisa deegaanka Golweyn iyo degmada Buula Mareer, weerarka dhabbagal ah oo ay barbar socdeen qaraxyo ayaa la sheegay in khasaara uu kasoo gaaray ciidamada shisheeye.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items