Mas'uuliyiintii Ugu Sarraysay Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Shaqada Laga Eryay.

Saturday April 14, 2018 - 10:12:28 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mas'uuliyiintii Ugu Sarraysay Maamulka Gobolka Hiiraan Oo Shaqada Laga Eryay.

    Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa shaqadii ay hayeen ka eryay inta badan mas'uuliyiintii maamulka gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hoggaamiyaha maamulka isku magacaabay Hirshabelle ayaa shaqadii ay hayeen ka eryay inta badan mas'uuliyiintii maamulka gobolka Hiiraan ee dhaca bartamaha dalka Soomaaliya.



Wareegto kasoo baxday Max'med Cabdi Waali ayaa lagu sheegay in shaqada laga eryay Cali Jeyte Cismaan oo ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan.

Waare ayaa guddoomiyaha cusub ee Gobolka u magacaabay C/llaahi Axmed Iimaan, sidoo kale waxaa shaqada laga eryay taliyaha guud ee 'Nabad Sugidda' gobolka Hiiraan iyo midka degmada Beled Weyne.

Isbedelkan dhanka maamulka ah ee ka xasilay gobolka Hiiraan ayaa yimid xilli khilaaf xooggan uu ka dhax jiray saraakiisha maamulka Hirshabelle, guddoomiyaha degmada Beled Weyne ayaa kasoo horjeestay xilka qaadis lagu sameeyay isbuucii lasoo dhaafay.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items