Ciidamada Burundi Ee Duullaanka Ku Jooga Sh/dhexe Oo Xaalada Qoob Gariir Ah Wajahaya.

Saturday April 14, 2018 - 15:08:32 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Burundi Ee Duullaanka Ku Jooga Sh/dhexe Oo Xaalada Qoob Gariir Ah Wajahaya.

    Ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga gobolka Sh/dhexe ayaa wajahaya xaalad adag kadib markii Al Shabaab ay sare uqaadday weerarada ka dhanka ah ciidamadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada shisheeye ee duullaanka ku jooga gobolka Sh/dhexe ayaa wajahaya xaalad adag kadib markii Al Shabaab ay sare uqaadday weerarada ka dhanka ah ciidamadaasi.


Kadib markii ciidamada Burundi iyo maleeshiyaadka dowladda Federaalka ay ku adkaatay isticmaalka wadada laamiga ah ee isku xirta degmooyinka Balcad iyo Jowhar ee gobolka Sh/ Dhexe ayay dhowwaan cadowga fariisimo cusub ka sameysteen duleedka Balcad gaar ahaan halka looyaqaan Haanta dheer.

Wadada Isku xirta Magaalooyinka Balcad iyo Jowhar ayaa waxaa xilliyadii lasoo dhaafay ka dhacayay weeraro si weyn loogu naafeeyay cadawga shareeco-ladagaalanka ah ee halkaas xoogga ku qabsady.


 
Wadada ay noqotay marin ay ka caageen isticmaalkeeda ciidamada shisheeye  iyo xubnaha maamulka dabadhilifka ah   ee isugu yeeray Hirshabeelle.

Weerarkii ugu dhiig-daadashada badnaa ayaa ahaa kii bishii lasoo dhaafay ay Ciidamada Shabaabul Mujaahidiin gumaadka ugu geysteen Kolonyo ka tirsan ciidamadii  Burundi halkaasina looga dilay wax kabadan 23 askari sidoo kalana looga gubay 17 gaari oo isugu jiray gaadiidka gaashaadman iyo kuwa xamuulka qaada.

Iyagoo cadowgu arrinkaasi ka duulaya islamarkaasina qorsheynaya in ay yareeyaan khasaaraha kasoo gaaraya xilliyada ay socodka kujiraan ayay fariisimo ka sameysteen duleedka degmada Balcad.

Fariisinka cusub ee ay samaysteen Ciidamada AMISOM  ayaa ku yaalla deegaanka Haanta Dheer ee udhexeeya Magaalada Balcad iyo Tuulada Qalimoow.

Horjoogayaal katirsan maamulka Hirshabelle  ayaa booqday godadka ay Ciidamada shisheeye  kaga dhuumaleysanayan haanta dheer iyagoo ugeeyay tiro xoolo lo’ah.

Sawirro lagasoo qaaday goobta ay cadowga fariisinka ka sameysteen ayaa lagu arkayay godad iyo jawaanno carro laga buuxiyay  halkaas ayayna kulamo kula qaateen madaxda Dabadhilifyada ah  iyagoo isku dulleynaya cadowga gacan ku gabadka ah.

Saraakiishii dabadhilifyada ahaa  xoolaha u geeyay ciidamada  Afrikaanta ah ayaa hadallo ka jeediyay goobta, iyagoo muujinaya sida ay ugu dhibanaayeen isticmaalka wadada xiriirisa Balcad iyo Jowhar.


Xaalado qoob gariir ah iyo cabsi daran ayaa siweyn looga soo calaamadaynayaa goobaha ay cadowga duulaanka uga sugan yihiin wilaayada islaamiga sh.dhexe.

Dadka falanqeeya arrimaha melleteriga  ayaa sheegay in ciidamada shisheeyaha AMISOM  ee duullaanka kusoo qaaday ku dhaqanka shareecada islaamka ay si guud ahaaneed ugu fashilmeen duulaankooda markana ay wajahayaan xaalad quus ah.

Dhawaan ayay aheyd markiii ciidamada  Burundi ay soo faarujinayeen deegaanka Cali Fooldheere ee duleedka degmada Mahadaay kadib markii ay ku xoogeysteen weerarada uga imaanaya Shabaabul Mujaahidiin.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items