Saraakiil Tababarayaal Imaaraat Ah Oo isaga Baxay Deegaannada uu Ka Arrimiyo Maamulka 'Puntland'.

Sunday April 15, 2018 - 11:12:05 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saraakiil Tababarayaal Imaaraat Ah Oo isaga Baxay Deegaannada uu Ka Arrimiyo Maamulka 'Puntland'.

    Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ayaa waxay sheegayaan in halkaasi shalay galinkii dambe lagu xanibay diyaarad military oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carbta taasi oo la sheegay in ay ka qaadi lahayd saraakiil u dhashay wadankaasi oo ahaa tab

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya magaalada Bosaaso ayaa waxay sheegayaan in halkaasi shalay galinkii dambe lagu xanibay diyaarad military oo laga leeyahay dalka Imaaraadka Carbta taasi oo la sheegay in ay ka qaadi lahayd saraakiil u dhashay wadankaasi oo ahaa tababarayaal ciidan.


Xanibaadan oo qaadatay saacado, abuurtayna xiisad ayaa timid kadib markii Saraakiil iyo tababarayaal u dhashay wadanka Imaaraadka oo ku sugnaa xerada ciidamada Badda ee maamulka ashahaada la dirirka ah ee isku magacaabay Puntland ay gabi ahaanba maalintii shaley isaga baxeen halkaasi.

Saraakiishan ayay ciidamada maamulka isku magacaabay Puntland isku dayeen inay marsiiyaan baaritaan kadib markii ay yimaadeen garoonka diyaaradaha magaalada bosaaso, taas oo ay ka biyadiideen.


Isqab-qabsi saacado qaatay ka dib ayaa saraakiisha loo ogolaaday inay ka dhoofaan garoonka diyaaradaha magalada bosaaso, balse waxaa laga diiday iney agabkoodii Milatari hore usii qaataan, waxaana ayna dib ugu laabteen dalkooda.

Saraakiisha Imaaraatka ayaa Boosaaso u joogay si ay tababaro iyo taakuleyn usiiyaann Ciidanka Badda ee maamulka ashahaada la dirirka Puntland sida ay sheegeen ilo wareedyo amni oo ka tirsan maamulkaasi.

Waxaa maalmihii ugu dambeeyay sii xumaanayey xiriirka u dhaxeya kooxda ridada iyo dowlada dabadhilifka ee Imaaraadka Carabta.

Bixitaanka saraakiisha Imaaraatka ee Boosaaso ayaa la rumaysanyahay inuu salka ku heyso khilaafkii xooganaa ee dhawaan soo kala dhexgalay imaaraatka iyo xukuumada Farmaajo.

Sirdoonka Dowladda Federaalka  ayaa dabayaaqadii isbuucii lasoo dhaafay garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho ku qabtay diyaaraad laga leeyahay dalka Imaaraatka oo siday lacag ku dhow 10 milyan oo dollar, taas oo kooxda ridada ay sheegtay in Imaaraadku ugu talagaleen inay ku laaluushaan xubnaha DF-ka  ka tirsan ee kasoo horjeeda maamulka Farmaajo.

Xukuumada Abu Dhabi  ayaa aad uga caroortay falkan, Iyadoona sheegtay in lacagta ay ugu tala galeen inay ku bixiyaan mishaaraadta Maleeshiyaatka DF-ka ee ay iyagu tababareen, waxayna garabka Farmaajo ku eedeeyeen inay kicinayaan xiisad siyaasadeed oo aanan loo baahneyn, sida ay hadalka u dhigeen.

Dowlada Imaaraatka oo iyadu calanka u sidda dowlada Carabta ah ee dhaqaalaha xoogga leh ku bixiya la dagaalanka dhaqdhaqaaqyada Islaamiga ah ayaa sanadihii lasoo dhaafay taageero dhanka maaliyada iyo milatariga siinaysay dowladda Federaakja  iyo maamuullada ashahaado la dirirka ah ee dalka qaybo kamid ah ka jira, balse ismaan-dhaaf xoogan ayaa soo kala dhex-galay, kaas oo salka ku haya khilaafka ka dhex aloosan wadamada Khaliijka Carabta, iyadoo Imaaraatku ku cadaadinayeen DF-ka Soomaaliya inay xiriirka u jarto wadanka Qadar, balse Maamulka Farmaajo ayaa arrinkaas ka dhega-adaygtay iyagoo sheegay inay arinkaas dhex-dhexaad ka noqonayaan, balse Imaaraatku u fasirtay inay Qadar la safanyihiin.

Related Items