Dhageyso Warbixin Xasaasi Ah: Sanad Kadib Dib Ufurashadii Magaalada Ceelbuur.

Sunday April 15, 2018 - 11:21:19 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhageyso Warbixin Xasaasi Ah: Sanad Kadib Dib Ufurashadii Magaalada Ceelbuur.

    Muddo Sanad ah ayaa kasoo wareegtay xilligii ciidamada Xabashida Itoobiya laga xureeyay magaalada Ceelbuur ee dhacda gobolka Galguduud bartamaha Dalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muddo Sanad ah ayaa kasoo wareegtay xilligii ciidamada Xabashida Itoobiya laga xureeyay magaalada Ceelbuur ee dhacda gobolka Galguduud bartamaha Dalka Soomaaliya.

Bishii Apriil sanaddii 2017 ayay ciidamada gummeysiga Itoobiya isaga huleeleen Ceelbuur kadib  hareereyn sedax sanadood qaadatay oo ay kusoo rogtay Xarakada Shabaabul Mujaahidiin.

Dadka Reer Ceelbuur ayaa magaalada isaga qaxay markii Itoobiyaanku qabsanayeen sanaddii 2014, faarujinta shacabka ee magaalada ayaa suurta gelisay in hareerayn raagto lagusoo rogo Itoobiyaanka oo ugu dambeyn ku qasbanaaday in ay magaalada isaga cararaan.

Idaacadda Islaamiga Andalus ayaa Warbixinno xiisa leh ka diyaarisay Xaaladda Ceelbuur kadib sanad markii ay gacanta gummeysiga Itoobiya ka xuroowday, warbixinnada oo saxafi islaami ah si xirfadeysan usoo diyaariyay ayaa ah kuwa taabanaya dhinacyo badan oo ku aaddan ka qisaynta wadiiqooyinkii loo maray dib uxureynta magaalada illaa soo kabsashada Ceelbuur.


Halkan ka degso Q.1-aad Ee Warbixinnada MP3

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items