Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ayaa sheegaya in qarax xooggan maanta
gelinkii dambe lala eegtay gaari Cabdi Bile ah oo ay la socdeen ciidamada
Sirdoonka Dowladda Federaalka.
Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxu uu burburiyay gaariga waxaana dhimasho
iyo dhaawac ku noqday dhammaan ciidamadii gaariga la socday.
Dhinaca kale weerar dhabbagal ah ayaa ciidamo isugu jiray AMISOM iyo Mareykan
lagula beegsaday duleedka degmada Buula Mareer ee Sh/Hoose, xoogag katirsan
Shabaabul Mujaahidiin ayaa wadada ugalay kolonyo ciidamo huwan ah oo ku socdaalayay
deegaan ku dhow Buula Mareer, jugta madaafiicda iyo rasaas lays dhaafsanayay
ayaa laga maqlayay goobta dagaalka.
Xarakada Al Shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda weerarka sida ay baahisay
idaacadda Andalus.
Ciidamo Mareykan iyo Soomaali Ah Oo Lagu Qarxiyay Degmooyinka Afgooye iyo Buula Mareer.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya silsilado qaraxyo ah oo ciidamo huwan ah lagula beegsaday deegaanno katirsan gobolka Shabeelaha Hoose.