Al Shabaab Oo Muqdisho Ku Dishay Madaxii Dambi Baarista Degmada Yaaqshiid.

Sunday April 15, 2018 - 20:22:22 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1090
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al Shabaab Oo Muqdisho Ku Dishay Madaxii Dambi Baarista Degmada Yaaqshiid.

    Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah rag hubeysan ayaa caawa Maqribkii degmada Yaaqshiid ku dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka dowladda Federaalka ugu qaabilsan gobolka Banaadir.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah rag hubeysan ayaa caawa Maqribkii degmada Yaaqshiid ku dilay mas'uul sare oo katirsanaa maamulka dowladda Federaalka ugu qaabilsan gobolka Banaadir.

Xasan Dheere oo ahaa madaxii Dambi baarista degmada Yaaqshiid ayay rag bastoolado ku hubeysan ku dileen afaafka hore ee saldhigga Booliska Yaaqshiid.

Sarkaalka ladilay ayaa caan ka ahaa degmada wuxuuna ahaa madaxa Dambi Baarista maamulka degmada Yaaqshiid , Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda dilka sarkaalkan sida ay baahisay idaacadda Islaamiga Andalus.

Dhinaca kale xoogag hubeysan ayaa weerar fool ka fool ah ku qaaday saldhig ay ciidamo katirsan Dowladad Federaalka ka sameysteen xaafadda Ceymiska ee wadada Warshadaha magaalada Muqdisho.


Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items