Madixii hore ee FBI-da Maraykanka oo Beenaale ku tilmaamay Madaxweyne Trump.

Monday April 16, 2018 - 11:59:08 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madixii hore ee FBI-da Maraykanka oo Beenaale ku tilmaamay Madaxweyne Trump.

    James Comey oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka FBI-da Maraykanka ayaa waraysi uu siiyay mid kamid ah TV-yada dalka Maraykanka wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha dhimirka la' ee dalkaas Donald Trump.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

James Comey oo ahaa madaxii hore ee sirdoonka FBI-da Maraykanka ayaa waraysi uu siiyay mid kamid ah TV-yada dalka Maraykanka wuxuu weerar afka ah ku qaaday madaxweynaha dhimirka la' ee dalkaas Donald Trump.



Comey oo uu xilka ka casilay Trump, kadib markii uu billaabay baaritaanno la xiriira in Ruushka iyo Ololaha doorashada ee Donald Trump ay wada shaqeyn dhexmartay, ayaa ku tilmaamay Trump inuu yahay nin beenaale ah, oo aan lahayn wax akhlaaq ah.

Isagoo sii hadlaya Comy ayaa wuxuu intaa ku daray in Trump aanu u qalmin inuu noqdo madaxweynaha dalka Maraykanka, uuna aaminsanyahay in Ruushku hayaan waxyaabo ay ku cabsiiyaan madaxweyne Trump.

Mar uu Trump tagay Ruushka sanadkii 2013-ka ayaa la sheegay in sirdoonka Ruushka ay ka qaadeen sawirro isagoo ansharx darro gacanta kula jira, waana arrinta uu aaminsanyahay iney keentay in Trump uu baqdin ka muujiyo dhanka Ruushka.



Waraysigan oo aan weli si dhameystiran loo baahin ayuu madaxweynaha Maraykanka ka hordhacay, wuxuuna sheegay in waxa uu sheegi doono Comy ay yihiin wax been abuur ah, kuna muteysan doono in xabsiga loo taxaabo.

Xigasho: Radio Alfurqaan

Related Items