Akhriso: Sarkaal American Ah Oo Qiray in Mustaqbalka Dhow Aan Laga Adkaan Karin Mujaahidiinta Alshabaab.

Monday April 16, 2018 - 16:16:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Akhriso: Sarkaal American Ah Oo Qiray in Mustaqbalka Dhow Aan Laga Adkaan Karin Mujaahidiinta Alshabaab.

    Tan iyo wixii ka dambeeyey weeraradii 11-kii Sept, waxay ciidamada Mareykanka si qarsoodi ah kaga howlgalayeen bariga Africa, iyagoo si gaar ah diiradda u saarayey Soomaaliya oo ay horay ugu jabeen horaantii sagaashameeyadii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Al Shabaab ayaa awood ku leh Bariga Afrika
Tan iyo wixii ka dambeeyey weeraradii 11-kii Sept, waxay ciidamada Mareykanka si qarsoodi ah kaga howlgalayeen bariga Africa, iyagoo si gaar ah diiradda u saarayey Soomaaliya oo ay horay ugu jabeen horaantii sagaashameeyadii.


Waxay dowladan soo abaabushay duullaankii ciidamada Itoobiya ee 2006-dii, waxay taageertay ciidamada AMISOM ee xigay, waxayna dalka ku soo daabushay boqolaal Saraakiil ah oo tababarada iyo talooyinka dagaalka ka caawiya dowladda Federaalka iyo Afrikaanta, sida ay Wasaaradda Gaashaandhiga Maraykanku shaaca ka qaaday.

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyey wuxuu Mareykanku kordhiyay tirade ciidamadiisa jooga Soomaaliya, wuxuu tababaray Maleeshiyaat dabadhilifyo Soomaali ah oo loogu magadaray "Danab” kuwaas oo si toos ah u hoostaga military-ga Mareykanka iyo Maleeshiyaad kale loo yaqaano "Alpha Group” oo iyagana hoostaga CIA-da.



Maleeshiyaatkan ayaa ciidamada Mareykanka kala qeyb qaata howlgalada qarsoodiga ah iyo weerarada Ashahaada la dirirnimo ee ka dhanka ah Muslimiinta Soomaaliya. Waa Maleeshiyaat huwan hal ku dhegyada DF-ka Soomaaliya, Laakiin si toos ah kaga amar qaata taliska ciidamada Mareykanka ee Africa.

Balse inkastoo Mareykanku naf iyo maalba ku bixinayo dagaalka ka socda bariga Africa, diyaaradihiisa iyo Maraakiibtiisuna buux-dhaafiyeen biyaha iyo hawada Soomaaliya, ayaa hadana Saraakiisha Mareykanku waxay sheegayaan in weli aanan fara lagu heynin istaraatiijiyad toosan oo uu hiigsanayo dagaalka ay kaga jiraan Soomaaliya.

General Donald Booldak, oo madax ka ahaa howlgalada gaarka Mareykanka ee Africa, ayaa aaminsan in Olole dagaaleedka Mareykanka ee Soomaaliya uusan waxtar lahayn, Isagoona sheegay in Xarakada Al-Shabaab iyo Jamaacaadka Jihaadiga ee Africa aanan la loodin karin mustaqbalka dhow.

Isagoo Waraysi siinayay wargays Maraykan ah oo ka warama arimaha difaaca ayuu sheegay in aysan jirin Istaraatiijiyad fog oo uu hiigsanayo duullaanka Mareykanka taas oo keeneysa in howlgalku uu noqdo mid ujeedo la’aan ah.

"istaraatiijiyada uu hadda Mareykanka ku wajahayo Africa ma ahan mid lagu maquunin karo Al-Shabaab iyo kooxaha kale ee ka howlgala Qaarada Africa. Marka laga hadlayo Bariga Afrikana hadda ayey sii xumaatay xasiloonida mandiqada” ayuu u sheegay wargayska.

"Ciidamada Maraykanku ma lahan qorshe fog oo ay hiigsanayaan si ugu dambeyntii loo helo xasilooni, mana awoodaan in ay sameeyaan wax ka baxsan howlgalada khaarijinta iyo afduubashada ah, waana taasi sababta keeneysa in wax ka badan 20 sano aan sii joogno Soomaaliya, Ciraaqna u joogno wax ka badan 15 sano, Afghanistan-na u joogno 17 sano, xalna sooma dhawa, Ciidamadeenu si heersare ayey u shaqeynayaan laakiin dadaalkooda ma hagaajin karo istaraatijiyada khaldan” ayuu hadalkiisa si raciyay.

Ciidamada Maraykanka ayaa markii ugu horeysay duullaanka Soomaaliya kusoo qaaday dabayaaqada sanadkii 1992, xilligaas oo ay kumanaan ciidamo Ameerikaan ah kasoo degeen dekeda iyo garoonka Muqdisho, Balse dagaal adag oo ay kala hortageen bulashada Soomaaliyeed, kaalin lixaad lehna ay ku lahaayeen Mujaahidiintu ayaa ku qasbay inay dalka dib uga cararaan, kadib dagaalkii loogu magac-daray "Black Hawk Down” ee lagu soo riday diyaaradaha dagaalka Maraykanka, warbaahinta caalamkana laga daawaday maydadka Askarta ciidamada Kumaandoosta Maraykanka oo wadooyinka Muqdisho lagu jiid-jiidayo.

Balse Maraykanka ayaanan intaas uga tegin Soomaaliya, waxaana wixii xilligaas ka dambeeyay uu bilaabay inuu dagaalka Saliibiga ah halkiisa kasii wado isagoo adeegsanaya calooshood-ushaqaystayaal Afrikaan ah iyo maleeshiyaad dabadhilifyo ah.

War horaantii sanadkan kasoo baxay wasaaada Gaashaandhiga Maraykanka ayaa lagu sheegay in ilaa 500 oo ka tirsan ciidamada Maraykanka ay kusuganyihiin gudaha Soomaaliya, kuwaas tababaro, taakulo iyo talooyin u fidiya  Afrikaanta iyo Maleeshiyada Maleeshiyaadka dowladda, sidoo kalena ka qayb-qaata hawlgallada lagula dagaalamayo dadka u taagan hirgelinta Shareecada Islaamka.


Tirada Ciidamada Maraykanka ah ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaa la aaminsanyahay inay aad uga badanyihiin shanta-boqol ee ay wasaarada gaashaandhigu sheegatay.

Balse General Booldaak, oo 13 sano kamid ahaa saraakiishii horboodaysay dagaalka Afghanistaan, in kabadan laba sanana hogaaminayay hawlgallada gaerka ah ee ciidanka Maraykanku ka fuliyaan Soomaaliya, ayaa aaminsan in siyaasada dawladiisa ee ku aasan Soomaaliya ay tahay mid fashil salka ku haysa.

Wuxuu ku taliyey in dowlada Mareykanka iyo waxa loogu yeero beesha caalamka looga baahan yahay in dib u eegis ku sameeyaan taageerada ay hadda siiyaan dowladaha Afrikaanta ah ee dagaalka kula jira Mujaahidiinta, Isagoona sheegay in istaraatiijiyada hadda lagu howlgalayo aysan ahayn mid mira-dhal ah, taasi badalkeedna ayba tahay mid taageereysa qorshayaasha Mujaahidiinta.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items