Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Qooqaani.

Tuesday April 17, 2018 - 11:41:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 2.0/5 Stars) Total Votes: 2
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Al Shabaab Oo Dagaal Kula Wareegay Deegaanka Qooqaani.

    Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen deegaan hoos yimaad degmada Afmadoow oo ay ku suganyihiin ciidamo Kenyaan ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in dagaallo culus ay dib uga qarxeen deegaan hoos yimaad degmada Afmadoow oo ay ku suganyihiin ciidamo Kenyaan ah.

Dagaallada ayaa yimid kadib markii xoogaga Al Shabaab ay weeraro qorsheysan ku qaadeen saldhigyo melleteri oo kuyaal deegaanka Qooqaani.

Wariye ku sugan Jubbada Hoose ayaa soo sheegay in dagaallo culus ay xalay ka dhaceen deegaanka islamarkaana ciidamada Al Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka.

Ciidamada Al Shabaab ayaa gudaha ugalay Qooqaani halkaas oo goob fagaara ah ay kula hadleen dadka deegaanka, wararka ayaa intaas ku daraya in maleeshiyaadka maamulka Axmed Madoobe ay u carareen dhanka saldhigga ciidanka Kenya ee kuyaal banaanka Qooqaani.


Goob joogayaal ayaa sheegay in xoogaga Al Shabaab ay dab qabadsiiyeen saldhigyadii ay ka qabsadeen maleeshiyaadka dabadhilifyada Axmed Madoobe.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items