AMISOM Oo Walaac Ka Muujisay Tayada Qaraxyada Al Shabaab Ay Dagaallada U Adeegsato.

Tuesday April 17, 2018 - 11:44:15 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    AMISOM Oo Walaac Ka Muujisay Tayada Qaraxyada Al Shabaab Ay Dagaallada U Adeegsato.

    Ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujinaya kororka qaraxyada ay Xarakada Al Shabaab ku beegsanayso gaadiidka ciidamadaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada shisheeyaha AMISOM ee duullaanka ku jooga dalka Soomaaliya ayaa walaac ka muujinaya kororka qaraxyada ay Xarakada Al Shabaab ku beegsanayso gaadiidka ciidamadaasi.



Shir ka dhacay xerada Xalane oo ay ka qeyb galeen saraakiil caddaan ah iyo Taliyaasha ugu sarraysa ciidamada AMISOM ayaa lagu sheegay in Miinooyinka Xarakada Al Shabaab ay ku beegsato gaadiidka Gaashaaman ee ciidamada shisheeye iyo gaadiidka maleeshiyaadka Dowladda Federaalka ay isticmaalaan halis weyn ku tahay dhankooda.

Ergeyga Ururka Midowga Afrika ugu qaabilsan Arrimaha Soomaaliya, ahna Madaxda Hawlgalka AMISOM,  Francisco Madeira ayaa qeylo-dhaantaasi ku sheegay Warsaxaafadeed uu ka soo saraay Shir looga hadlayay Ka hortagga Miinooyinka dhulka lagu aaso ee Improvised Explosive Devices (IEDs) oo shalay ka furmay magaalladda Muqdisho.



"Habka ugu fiican ee lagu guuleysan karo IEDs waa in aan siyaasadeena saxno. Haddii siyaasaddu aanay sax ahayn, iyada oo aan loo eegin inta ay tiknoolajiyadda aan ku dhejinayno ee aan ku guulaysan karno, iyo inaan xaq u leenahay siyaasadda, waxay u baahan doontaa qof walba inuu ka ciyaaro doorkiisa, " ayuu yiri Madeira 

Ururka Midowga Afrika wuxuu ka qeylla dhaaminayaa in adeegsiga Miinooyinka tayaysan ee Al Shabaab ay u isticmaalayso gaadiidka AMISOM uu caqabad weyn geliyay howlgalladii ay ka wadeen gobollo dhaca Koonfurta iyo bartamaha dalka Soomaaliya, Ma ahan markii ugu horraysay oo AMISOM ay walaac ka muujiso qaraxyada Al Shabaab ka fulinayso dalka.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

 

Related Items