Roobab Khasaara Dhimasho Ah Sababay Oo Ka Da'ay Gobolka Galguduud.

Tuesday April 17, 2018 - 20:56:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Roobab Khasaara Dhimasho Ah Sababay Oo Ka Da'ay Gobolka Galguduud.

    Roobab Mahiigaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay gobollo dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Mahiigaan ah ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay gobollo dhaca bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Wararka ka imaanaya gobollada Hiiraan,shabeellaha dhexe iyo Banaadir ayaa sheegaya in roobab saacado badan da'ayay ay saameyn ku yeesheen isku socodka gaadiidka.

Roobabka oo ahaa kuwa aad u xooggan ayaa jaray qaar kamid ah waddooyinka muhiimka ah, meelaha qaar waxaa lasoo sheegayaa in roobabku sababeen khasaara dhimasho ah.

Sida ay sheegeen dad goob joogayaal ah hal qof ayaa ku dhintay magaalada Galhareeri ee gobolka Galguduud kadib markii Roobab saacado badan da'ayay ay ku hooreen magaalada.


Gabar 12 sana jir ah ayaa la sheegay in biyaha roobka ay ku dileen Galhareeri, gabadha dhimatay ayaa ku dhacday Baraag xilligaas Biyaha xareeddu ku qulqulayeen Baraagta.

Dadka deegaanka waxay sheegeen in Biyaha xareedda ay waranyihiin gudaha magaalada iyo dhammaan waddooyinka soo gala, dhanka gobolka Hiiraan Roobabka oo aan kala joogsi laheyn ayaa jaray qaar kamid ah waddooyinka.

Roobabka Xilliga Guga ayaa imaanaya xilli laga baxay marxaladdii Jiilaalka, Deyrtii lasoo dhaafay ayaa si wanaagsan uga hoortay dalka waxaana muuqata in Gugaan uu isna noqday Daaw Barwaaqo.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed