Faransiiska Oo Xaqiijiyay in Xaalad Adag Uu Ku Suganyahay Khaliifa Xaftar.

Thursday April 19, 2018 - 12:03:01 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Faransiiska Oo Xaqiijiyay in Xaalad Adag Uu Ku Suganyahay Khaliifa Xaftar.

    Hubanti la'aan ayaa wali ka taagan xaaladda nololeed ee dagaal ooge Khaliifa Xaftar oo ah hoggaamiye keexeed ka dagaallama wadanka Liibiya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hubanti la'aan ayaa wali ka taagan xaaladda nololeed ee dagaal ooge Khaliifa Xaftar oo ah hoggaamiye keexeed ka dagaallama wadanka Liibiya.

Wararka ka imaanaya wadanka Faransiiska ayaa sheegay in isbitaal ku dhow magaalada caasimadda ee Paris lagu hayo Xaftar balse ay adagtahay in wax macluumaad ah laga helo.

Saraakiil ku sugan wadanka Liibiya ayaa warbaahinta u sheegay in Xaftar uu maalmo ka hor dhintay balse dowladda Faransiiska oo dalkeeda ku marti gelisay Xaftar waxay sheegaysaa in uu nool yahay oo lala tacaalayo xaaladdiisa caafimaad.

Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Xaftar Maskaxda dhiif uga furmay xaaladdiisuna tahay mid aad uliidato, warar kale waxay sheegayaan in Xaftar uu dhintay horraantii isbuucan balse qarinta  geeridiisa ay mas'uul ka yihiin dowladaha imaaraatka Carabta iyo Masar oo uu wakiil uga ahaa dagaalka Liibiya.


Iskusoo baxyo ballaaran oo lagusoo dhoweynayo geerida Xaftar ayaa ka dhacay dhowr magaalo oo dhaca Bariga iyo bartamaha wadanka Liibiya, magaalada Darna oo go'doomin daran ay ku hayaan maleeshiyaadka Xaftar ayay shacabku dhigeen iskusoo baxyo ay kusoo dhoweynayaan geerida dagaal oogahan.

Taliyaha ciidamada Maleeshiyaadka Xaftar ayaa shir jaraa'id oo uu ku qabtay ku beeniyay geerida hoggaamiyahooda, saraakiisha caafimaadka ayaa rajaxaya in Xaftar haddii uusan dhiman uu ku suganyahay xaalad sakaraat ah kadib markii Maskaxda uu dhiig uga furmay.

R/wasaarihii hore ee Yahuudda Shaaroon ayaa sidaan oo kale udhintay balse geeridiisa waxaa laqarinayay muddo sanada ah kadib markii uu Maskaxda dhiig uga furmay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items