Daawo: Taliska AMISOM iyo Khubarro Reer Yurub Ah Oo Walaac Ka Muujiyay Miinooyinka Al Shabaab Ay U Adeegsato Dagaalka Ka Socda Soomaaliya.

Friday April 20, 2018 - 08:27:45 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Daawo: Taliska AMISOM iyo Khubarro Reer Yurub Ah Oo Walaac Ka Muujiyay Miinooyinka Al Shabaab Ay U Adeegsato Dagaalka Ka Socda Soomaaliya.

    Shirkan oo laba maalmood oo xiriir ah ka socday Xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin gudaha Soomaaliya , kana qeybgaleen xubno kala duwan oo matalayey gaalada caalamka ayaa diiradda lagu saarayey sidii xal kama dambey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Shirkan oo laba maalmood oo xiriir ah ka socday Xerada Xalane oo ah taliska ugu weyn ee ciidamada AMISOM ku leeyihiin gudaha Soomaaliya , kana qeybgaleen xubno kala duwan oo matalayey gaalada caalamka ayaa diiradda lagu saarayey sidii xal kama dambeys ah loogu heli lahaa qaraxyada miinooyinka ee mujaahidiintu la beegsadaan ciidamada shisheeye iyo maleeshiyaatka dowladda Federaalka.


Shirkan oo ahaa mid lixdii biloodba mar isugu yimaadaan AMISOM iyo Saraakiisha reergalbeedka ee ku sugan Soomaaliya ayaa lagu qiray in qaraxyada miinooyinku yihiin halista ugu badan ee ay maanta wajahayaan ciidamada soo duulayaasha ah ee duullaanka ku jooga wadanka iyo dabadhilifyadooda.

Francisco Madeira oo ah wakiilka midowga  Africa ee Soomaaliya oo ka hadlay kulanka ayaa sheegay in qaraxyada iyo amni xumada ka jirta wadanka ay sabab u tahay xasilooni darada siyaasadeed ee ka jirta wadanka sida uu hadalka u dhigay, islamarkaana loo baahan yahay in marka hore la hagaajiyo siyaasadda  dowladda si looga bad-baado qaraxyada iyo weerarada mujaahidiinta.



Richard Maundrell, oo ah Abaanduulaha Ciidamada Ingiriiska ee ku sugan Soomaaliya oo ka mid ahaa dadkii ka qeybgalay shirkaas ayaa isna ku baaqay in isku xir iyo wadashaqeyn hufan uu dhexmarto maamulada iyo hay’adaha amniga ee murtadiinta si looga hortago weerarada qaraxyada ee kaga imaanaya Mujaahidiinta.

Horaantii todobaadkan qarax aad u xoogan ayaa degmada Afgooye lagula eegtay Kolonyo ciidamo shisheeye ah oo isugu jiray Caddaan iyo Afrikaan xilli ay ka soo ambabaxeen saldhigga ciidamada  Uganda ee degmada Buula-Mareer.

Halkan ka degso Warbixin ama Hoos ka Daawo


Related Items