Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo Lagu Falanqeeyay 10 Sano Kadib Fatwadii Taageerada U Ahayd AMISOM [Dhageyso].

Friday April 20, 2018 - 14:54:21 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 1 0
  • Share via Social Media

    Barnaamijka Diiradda Jimcaha oo Lagu Falanqeeyay 10 Sano Kadib Fatwadii Taageerada U Ahayd AMISOM [Dhageyso].

    Diiradda jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan laguna soo qaato mowduuc muhim ah, waxaana usbuucan lagu falanqeeyay Fatwadii ay culimada dowladda soo saareen billowgii 2009, taasoo hiil

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Diiradda jimcaha, waa barnaamij todobaadle ah oo maanta oo kale ka baxa warbaahinta islaamiga ah ee Al-furqaan laguna soo qaato mowduuc muhim ah, waxaana usbuucan lagu falanqeeyay Fatwadii ay culimada dowladda soo saareen billowgii 2009, taasoo hiil u ahayd ciidamada shisheeye ee Amisom, laguna gacmo qabanayay islaamiyiinta.


Fatwadaasi waa ay dhaqan gali weysay maadaama qodobada ku jiray ay kamid ahaayeen inaan xabad lagu ridi karin Amisom, ciddii ku ridana ay "Buqaad” tahay iyo kuwa kale, oo waxaa kasoo hor jeestay Xarakada Al-Shabaab, oo ay hogaamiyaasheedu ahaayeen rag khibrad kasoo helay hagar daamooyin dhowr ah oo ay wadaaduhu kusoo sameeyeen xilliyadii Gedo lagula halgamayay Xabashida iyo marar kalaba.

Barnaamijka waxaa la isku dul taagay qodobadii Fatwada, waxaa la isku weydiiyay waxa ka hir galay ballan qaadkii wadaadaha ee ahaa in dowladdu ku dhaqmeyso shareecada islaamka, dowladda ay u fatwoodaan maxay ku dhaqantaa? Barnaamijka waxa kale oo la isku dul taagay, wixii dhici lahaa haddii wadaadaha warkooda la qaadan lahaa.



Waxaa ka qeyb galay aqoonyahanno si aad ah ula socday qadiyadda kuwaasoo soo bandhigay macluumaadyo badan, waxaana ay kala yihiin: Xassan Fiyooke Cali, Maxamad Sheekh iyo Maxamad Xassan, iyadoo sidoo kale lasoo bandhigay hadallo iyo wareysiyo mowduuca khuseeya oo aan kasoo qaadanay Xarakada Al-Shabaab iyo Wadaadaha dowladda.

Halkan ka degso Barnaamijka Diiradda Jimcaha MP3

Related Items