Gaari la jiirsiiyay Dad Ku lugeynayay magaalada Toronto Ee dalka Canada Oo Sababay dhimashada 10 Qof.

Tuesday April 24, 2018 - 06:32:12 in Wararka by
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gaari la jiirsiiyay Dad Ku lugeynayay magaalada Toronto Ee dalka Canada Oo Sababay dhimashada 10 Qof.

    Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay wadanka Canada oo dhaca waqooyiga qaaradda America.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Khasaara dhimasho iyo dhaawac leh ayaa ka dhashay weerar gaari loo adeegsaday oo ka dhacay wadanka Canada oo dhaca waqooyiga qaaradda America.

Ugu yaraan 10 qof ayaa dhimatay 16 kalane dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari lajiirsiiyay dad ku sugnaa bartamaha magaalada Toronto ee caasimadda dalka Canada.

Saraakiisha Booliska ayaa sheegay in Nin kaxaynayay gaari xamuul ah uu dilay 10 qof oo ku lugaynayay wadada ugu mashquulka badan magaalada Toronto.

Dad gaaraya 16 qof ayay dhaawacyo kasoo gaareen weerarka sida ay sheegeen dad ku sugnaa goobta wax ka dhaceen, wararka ayaa intaas ku daraya in gacanta lagu dhigay ruuxii weerarka geystay inkastoo aan la sheegin heybtiisa.


Dowladda Canada dhacdadan magelin khaanadda waxa loogu yeero 'Argagaxisada' sababa la xiriira qofka weerarka geystay oo illaa iyo hadda aan la caddeyn in uu yahay muslim iyo inkale.

R/wasaaraha Canada oo warbaahinta dowladda ka hadlay ayaa taczi udiray ehellada dadka dhintay isagoo ciidamada gurmadka degdegga ah ku ammaanay qaabkii ay ula tacaaleen dhacdada.

Waa weerarkii ugu dhiig daadashada badnaa ee sanadkan ka dhaca wadanka Canada oo kamid ah wadamada ka qeyb qaadanaya duullaannada lagu qaaday caalamka islaamka.




Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items