Eng Idiris: "Axmad Madoobe Wuxuu Kismaayo Ka Geystay Tacaddi Aan Horey U Dhicin [Dhageyso].

Tuesday April 24, 2018 - 19:06:00 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Eng Idiris: "Axmad Madoobe Wuxuu Kismaayo Ka Geystay Tacaddi Aan Horey U Dhicin [Dhageyso].

    Siyaasiga Idiris Xassan Faarax, oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in maamulka Jubbaland, uu dhibaato adag ku hayo bulshada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Siyaasiga Idiris Xassan Faarax, oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in maamulka Jubbaland, uu dhibaato adag ku hayo bulshada.


Wuxuu sheegay in dad badan xoog looga qaatay guryahoodii, qaar kalana la masaafuriyay sida dad ajaanib ah oo kale, arrintaasna wuxuu sheegay inuu ka dmabeeyo Axmad Madoobe.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu sheegay in uu xog rasmi ah ku hayo dad badan oo inta la dilay kadibna lasoo dhigay xeebta magaalada Kismaayo kuwaasoo xataa ay gabdho kamid yihiin.

Wuxuu eed u jeediyay ciidamada shisheeye sida:- kuwa Mareykanka, Itoobiyaanka iyo Kenyaanka, maamulka Kismaayo gacanka ku siiyay ku xad gudubka xuquuqda aadanaha, sida uu sheegay.



Halkan ka degso Wareysiga Eng.idiris Xasan Faarax ama hoos ka dhageyso




Xigasho: amiirnuur Media

Related Items