Kooxaha Xuuthiyiinta Oo Ku Hanjabay in Ay Ka Jawaabayaan Dilka Hoggaamiyahoodii dhanka Siyaasadda.

Tuesday April 24, 2018 - 21:29:41 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kooxaha Xuuthiyiinta Oo Ku Hanjabay in Ay Ka Jawaabayaan Dilka Hoggaamiyahoodii dhanka Siyaasadda.

    Kooxaha Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan dilka hoggaamiyahoodii dhanka siyaasadda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kooxaha Xuuthiyiinta ee ka dagaallama wadanka Yemen ayaa ku hanjabay in ay ka aargudan doonaan dilka hoggaamiyahoodii dhanka siyaasadda.

Cabdi Malik Al Xuuthi oo ah hoggaamiyaha guud ee kooxda ayaa war qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay in dilkii loo geystay Saalax Sammaad uusan waxba udhimi doonin dagaalka ay kula jiraan isbaheysiga dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta  hoggaamiyanayaan ee Yemen ku duulay.

Maleeshiyaadka Xuuthiyiinta waxay sheegeen in Saalax  Xammaad si dhagareysan loo dilay waxayna ku tilmaameen in uu ahaa geesi aan gammban.

Khamiistii lasoo dhaafay duqeyn ay fuliyeen diyaaradaha dagaalka Sacuudiga ayaa beegsaday Saalax Sammaad oo ahaa madaxweynaha kooxda Xuuthiyiinta uqaabilsan wadanka Yemen, Ninka ladilay ayaa caanka ku ahaa weeraro dhanka afka ah oo uu ku qaadi jiray isbaheysiga carabta iyo taageero uu umuujin jiray dowladda iiraan


Dhinaca kale dowladda Sacuudiga ayaa baahisay Video muujinaya qaabkii loo dilay hoggaamiyahan xuuthiga ah, wasaaradda difaaca Sacuudiga ayaa barteeda internetka ku faafisay Video muujinayay diyaaradaha casriga ah oo beegsanaya gaari uu la socday Saalax Sammaad wuxuuna weerarkaasi dhacay khamiistii lasoo dhaafay.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items