Shacabka Beled Weyne Oo Ka Barakacaya Fatahaadda Wabiga Shabelle.

Wednesday April 25, 2018 - 10:23:31 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Shacabka Beled Weyne Oo Ka Barakacaya Fatahaadda Wabiga Shabelle.

    Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in fatahaad uu bilaabay wabige Shabelle ee mara gobolkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in fatahaad uu bilaabay wabige Shabelle ee mara gobolkaasi.

Tobanaan kun oo qoys ayaa bilaabay in ay isaga barakacayaan guryahooda oo kuyaal magaalada Beled Weyne ee xarunta u ah gobolka, qoysaska isaga firxanaya magaalada ayaa ka baqdin qaba in fatahaadda wabiga ay saameyso.

Guddoomiyaha degmada Beled Weyne ayaa warbaahinta u sheegay in dad ka badan 9000 oo qof ay isaga baxeen magaalada waxayna guryo cooshado ka sameysan ka dhisteen deegaanka Ceelgaal.

Dadka Barakaca sameynaya ayaa ka baqdin qaba in Fatahaadda wabiga uu bilaawdo iyagoo aan udiyaarsaneyn, goob joogayaal ku sugan degmada Jawiil ayaa sheegay in wabiga si xowlli ah ubiya keenay waxaana la arkayay biyaha kasoo rogmanaya togagga oo wabiga shabelle kusii qulqulaya.


Xaafaddaha ugu badan ee laga barakacay waxaa ka mid ah Xaawo Taako, Kooshin iyo qeybo ka mid ah xaafadda Buunddo weyn ee magaalada Beledweyne.

Dadka yaqaan arrimaha wabiyada waxay sheegayaan in sanadkaan labada wabi ee shabelle iyo Jubba ay saa'id ubiya keeneen waxaana loo sababeynayaa Roobabka Guga oo aan si aan horay loo arag uga da'ay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed