Suldaan Gar Yare "Waxaan Ka Digayaa In Cadawgeena Asalka Ah Nalaka Sii Jeediyo oo Nalaku Mashquuliyo Xukaamta Carabta" [Dhageyso].

Wednesday April 25, 2018 - 10:54:11 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Gar Yare "Waxaan Ka Digayaa In Cadawgeena Asalka Ah Nalaka Sii Jeediyo oo Nalaku Mashquuliyo Xukaamta Carabta" [Dhageyso].

    Aqoonyahan Suldaan Maxamad Gar Yare, oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa ka hadlay sadax mowduuc oo muhim ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqoonyahan Suldaan Maxamad Gar Yare, oo wareysi gaar ah siiyay idaacadda islaamiga ah ee Al-furqaan, ayaa ka hadlay sadax mowduuc oo muhim ah.



Marka kowaad waxa uu is dul taagay, ogeysiis ay Turkida heysata Jasiira ku baahiyeen baraha bulshada islamarkaana ku dalbanayaan dad ay askareeyaan gaar ahaan leyli sarkaal, iyagoo sheegay in araajida loogu soo qori karo Ingiriisiga iyo afkooda Turkiga, meesha ka saaray afka hooyo ee Soomaaliga.

Sidoo kale wuxuu aqoonyahanku ka hadlay ol’ole ay Mareykanka iyo xulufadiisu ku tababarayaan ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo laga kala keenayo wadamo afrikaan ah laguna kulminayo dalka Nayjar. Wuxuu si gaar ah u falanqeeyay waxa keenay in Mareykanka uu ku bixiyo 6o milyan, Faransiiska 30 milyan Sucuudigana 100 Milyan.



Ugu dambeyntii waxa uu ka hadlay qodob baraarujin ah oo ku socda Soomaalida kaasoo ah in ay ka digtoonaadaan siyaasadaha dhagareysan ee lagu doonayo in laga sii jeediyo cadawgooda asalka ah laguna mashquuliyo dowlado carbeed oo la adeegsanayo kuwaasoo qaarkood ay dalkaba haatan isaga tageen.

Ummada Soomaaliyeed, ayuu ugu baaqay in aaney noqon kuwa laga sii jeediyo ama la hilmaansiiyo dowladaha dalkeena qabsaday sida: Itoobiya, Kenya, Uganda iyo kuwa lamidka ah.

Halkan ka degso Wareysiga Suldaan Garyare MP3

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed