Sarkaal Katirsan 'Nabad Sugidda' Oo Lagu Dilay Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho.

Wednesday April 25, 2018 - 20:40:59 in Wararka by Super Admin
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sarkaal Katirsan 'Nabad Sugidda' Oo Lagu Dilay Degmada Waaberi Ee Magaalada Muqdisho.

    Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir xilli uu faraha kasii baxayo ammaanka magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dilal qorshaysan ayaa saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay qaar kamid ah degmooyinka Gobolka Banaadir xilli uu faraha kasii baxayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Illaa iyo sedax qof ayaa 24 saac gudahood lagu dilay magaalada Muqdisho, xoogag bastoolado hubeysan ayaa degmada Waaberi ku dilay sarkaal katirsanaa Nabad sugidda DF-ka.

Sarkaalka ladilay oo lagu magacaabi jiray Axmed Maxamuud Buulle ayay xoogag hubeysan qeybaha sare ee Jirka rasaasta kala eegteen halkaas oo uu ku qurbaxay.

Xarakada Al Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay mas'uuliyadda weerarka sida ay baahisay idaacadda Andalus ee Afka xarakada ku hadasha, dhinaca kale rag hubeysan ayaa suuqa Bakaaraha qeybta daawada ku dilay qof aan wali heybtiisa lagaran.


Xalay Fiidkii ayay aheyd markii rag hubeysan hal qof ku dileen xaafadda Suuqa Xoolaha ee waqooyiga magaalada Muqdisho.

Liibaan Jeexoow Cabdi
SomaliMeMo,Muqdisho

Related Items

https://twitter.com/africa_waleed